Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cismaan Yariisow oo wareegto soo saaray maanta ayaa waxa uu ku mamnuucay in aan Dekada laga soo dejiyo Mootooyinka Bajaajta loo yaqaano.
Waxaana sidoo kale lagu amray wareegtada in Wadooyin magaalada soo gala xitaa aan laga soo galin karin mooto Bajaaj Cusub.
Arrimaha amniga iyo cabsho dadweyne ayaa lagu sheegay sababta loo hakiyay in Bajaaj cusub ay soo gasho dalka.
Mootooyinka Bajaajta waxey dadka Soomaaliyeed ku heestaan dheef iyo dhib.