Tababaraha kooxda kubadda cagta Barcelona, ayaa ku dhowaaqay liiska ciyaartooyada kooxidisa ee uu kala hor tegayo Valencia ciyaarta ay guusha aadka ugu baahan yihiin caawa ee Valencia.
Tababare Ernesto Valverde Ayaa soo saaray liis ka kooban 19 ciyaartoy oo ugu dambaynta uu ka tuuri doono hal laacib, waxaana uu sidaas kaga hor tegi doonaa naadiga waqtigu u wanaagsan yahay ee Valencia.
Liiskan ayaa waxa ku jira ciyaartoyga cabashada muujiyey ee Arturo Vidal oo ka cadhooday kursiga kaydka oo marar badan la geliyey, gaar ahaan ciyaartii Tottenham, waxase ka maqan Samuel Umtiti iyo Sergi Roberto oo dhaawac ah.
Waxa kale oo kasoo muuqda laacibka la illoobay ee Thomas Vermaelen.
Shaxda Barcelona oo dhamaystiran:
Goolka: Marc-André ter Stegen, Jasper Cillessen
Difaaca: Nélson Semedo, Gerard Piqué, Clément Lenglet, Jordi Alba, Thomas Vermaelen
Khadka Dhexe: Ivan Rakitic, Sergio Busquets, Denis Suarez, Philippe Coutinho, Arthur, Rafinha, Arturo Vidal
Weerarka: Luis Suárez, Lionel Messi, Ousmane Dembélé, Malcom, Munir