Ganacsatada suuqa weyn ee Bakaaraha oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay kaga hadleen dhibaatada ay ku hayanaa kooxo bastoolado ku hubeysan oo suuqa iyo dadkaba dhaca.
Ganacsatada ayaa sheegay iney canshuur siiyaan labada dhinac ee Al shabaab iyo dowladda waxaana ay sheegeen in la dhacayo goobahooda ganacsi iyo dadka suuqa u soo shaqo taga.
Burcad hubeysan oo dharka ciidanka wata ayaa suuqa ku batay kuwaa oo dhac u geysanaya goobaha ganacsiga iyo dadka kale ee suuqa u soo adeeg doonta..
Gudoomiyaha Ganacastada Suuqa Bakaaraha Xasan Mirre Dhiif ayaa sheegay in ammaanka Suuqa Bakaaraha uu sii xumaaday, waxaana uu sheegay in ganacsatada mar waliba wajahayaan dhac ,boob iyo cabsi galin ay kala kulmayaan kooxo burcad ah.
Waxaa uu ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay il gaar ah ku fiiriso xaalada Suuqa Bakaaraha, isla markaana ay si degdeg ah wax uga qabato amni darada baahsan ee Suuqa ka jira maalmahan.
Suuqa Bakaaraha ayaa ah suuqa ugu weyn ee Ganacsiga Koofurta Soomaaliya, waxaa ku yaalla xarumo xawaaladeed, isgaarsiin iyo ganacsiyo kala duwan.