• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Wednesday, January 20, 2021
  • Login
LISTEN
Bandhiga
LISTEN
  • Bogga Hore
  • Radio
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Caafimaadka
  • Ciyaaraha
  • English
Bandhiga
No Result
View All Result
Home Wararka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukun adag ku riday Askari shacabka dhacay

October 8, 2018
in Wararka
0
492
SHARES
1.4k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun ku riday Dable Booliis Maxamed Cabdikariin Cabdullaahi oo laga soo qabtay agagaarka jaamacadaha  degmada Hodan  xilli uu dhac u  geysanayay dadka ka soo baxay salaadda subax iyo kuwa u sii socday Masjidyada ku yaallo xaafadaha degmada Hodan.

Dadka degmada ayaa ku war geliyay  guddoomiye waaxeedka xaafadda iyo taliyaha rugta Boliiska, waxayna si wada jir ah u sameeyeen howlgal lagu baadi doonayay eedeysanaha, waxa ayna soo qabteen  17-kii  bishii Sagaalaad (9) ee sanadkan.

Mid kamid ah dhibanayaasha ayaa  u sheegay garsoorayaasha Maxkamadda in xilliga dhaca loo geysanayay uu u cararay Masjidka balse nasiib xumo uu eedeysanaha ka soo daba  galay Masjidka sidaasna uu kaga qaatay Teleefoonkiisa.

Xeer ilaalinta  ayaa sidoo kale  soo bandhigtay Teleefanadii uu dhacay eedeysanaha, ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Laba xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa ku dooday in eedeysanaha lagu xukumo  xukun tusaala u noqon karo kuwa weli ku mashquulsan dhaca dadweynaha.

Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa codsaday in laga qafiifiyo xukunka Maxkamadda maadaama uu qiraal u yahay dambiyada lagu soo oogay.

Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa go’aan ku gaartay in lagu xukumo Maxamed Cabdikariin Cabdullaahi sideed (8)-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu u sheegay dhamman dhinacyada ka qeyb galayay dacwadda Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan Wabiyow.

Maalmahan dambe ayaa waxaa jiray cabashooyin badan oo ay soo gudbinayeen dadka ku dhaqan qaar kamid xaafadaha magaalada, waxaana xukunka Maxkamadda riday uu u yahay fariin kuwa weli ku howlan  dhaca dadweynaha.

Xukunsanaha ayaa heysta fursad kale oo  uu ku dalban karo rafcaan.

Share197Tweet123Send
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

January 10, 2020

Xukuumadda Tehran oo cod dheer ku sheegtay in uusan gantaal soo ridin diyaaraddii Ukraine

January 10, 2020

Tobanka Dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida Sanadkan 2019

August 5, 2019

0

U.S. Senate grills President Trump’s pick for Somalia envoy over his past performance

0

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay jabhado hubeyneyso

0
Ciidamada dowladda oo howlgallo qorsheysan kula wareegay deegaano ay heysteen AL SHABAAB

Ciidamada dowladda oo howlgallo qorsheysan kula wareegay deegaano ay heysteen Al Shabaab

January 20, 2021
Beesha Caalamka oo sheegtay iney ka shaqeyneyso isu soo dhawaanshaha saamileyda siyaasadda Soomaaliya

C6+ oo sheegtay iney ka shaqeyneyso isu soo dhawaanshaha saamileyda siyaasadda Soomaaliya

January 20, 2021
Faah-faahino ka soo baxaya askar iyo saraakiil qarax lagula eegtay deegaanka Tixsiile

Faah-faahino ka soo baxaya askar iyo saraakiil qarax lagula eegtay deegaanka Tixsiile

January 17, 2021
Bandhiga

Copyright © Bandhiga

Navigate Site

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Radio
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • Caafimaadka
  • English

Copyright © Bandhiga

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In