Kubad sameeyaha kooxda Arsenal ee Mesut Ozil ayaa sidii hore loo filayay aan kusoo bilaaban kulanka ay kooxdiisa Arsenal martida u ahayd kooxda Fulham oo ay guul kasoo gaareen, Ozil ayaan gabi ahaanba ku jirin liiska xiddigaha uu Unai Emery kulankan usoo xushay maadaama oo uusan xataa kusoo bixin xiddigaha keydka fadhiya.
Ozil ayaa kaliya 15 daqiiqo ka ciyaaray kulankii ay dhawaan guusha 3-0 ka ah kasoo gaadheen kooxda Qarabag katirsan tartanka Europe League balse waxa uu ku fashilmay inuu kasoo muuqdo kulanka Craven Cottage.
Haddaba, Sababta uu Ozil kaga maqan yahay shaxda xiddigaha uu tababare Unai Emery usoo xushay kulankan ayaa lagu sheegay dhaawac kasoo gaaray dhabarka kaas oo uu kala soo laabtay kulankii Qarabag.