Halyeeyadii horyaalka Premier League ee Thierry Henry iyo John Terry ayaa u dhow inay shaqo tababarenimo ka bilaabaan koox ka dhisan waddanka Ingiriiska oo ay macallin iyo ku-xigeen loo wada magacaabo.
Sida uu qoray wargeyska Daily Mirror, Terry oo xalay ku dhowaaqay inuu ciyaaraha ka fadhiistay iyo Henry ayaa si wada jir ah loogu magacaabi doonaa tababaraha iyo ku-xigeenka kooxda heerka labaad ee dalka Ingiriiska ee Aston Villa oo la sheegayo inay caydhinayso tababaraheeda.
Henry oo tababare ku-xigeen ka ahaa Xulka qaranka Belgium ayaa waxa la sheegay inuu dalab ka helay Aston Villa, hase yeeshee waxa uu isaguna hor dhigay maamulka sare inay ogolaadaan in John Terry oo xili ciyaareedkii hore u ciyaaray uu noqdo kaaliyihiisa.
Warku ma sheegin jawaabta ay Aston Villa ka siisay Henry dalabkiisa, hase yeeshee, natiijooyinka aan wanaagsanayn ee ay kooxdu ka keentay kulamadii u dambeeyey ayaa waxay soo dedejinayaan in loo aqbalo codsigiisa oo ay noqdaan tababaraha iyo kaaliyihiisa cusub ee la wareegaya naadigan u dagaallamaya inuu dib ugu soo laabto horyaalka Premier League.
Henry iyo Terry ayaa wakhtiyadii ay ciyaartoyga ahaayeen waxay u kala ciyaari jireen Arsenal iyo Chelsea, waxaanay iskaga hor yimaaddeen kulamo badan oo khaladaad iyo cadhoba ay ku dhex martay, hase yeeshee xidhiidhka ay leeyihiin ayaa wanaagsanaa.
Thierry Henry ayaa xagaagii lala xidhiidhiyey shaqada Aston Villa, hase yeeshee meel ay wax iska beddeleen ba markii dambe ayaa laga laabtay.