Mudane Xasan Cali Kheyre Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta ka doofay magaalada Muqdisho iyo wafdi la socda kuwaa oo Casuumaad ka helay Boqortooyada Sacuudiga.
Booqashada Ra’isul wasaaraha ayaa ah mid rasmi ah oo labo maalin qaadaneyso waxaana ay casuumaad ka heleen Boqor Salman bin Abdulaziz oo ah boqorka Sacuudiga.
Wasiiro dhowr ah ayaa wehlinaya Ra’isul wasaaraha waxaana kamid ah wasiirka warfaafinta, arrimaha dibadda iyo ganacsiga sidoo kale xildhibaanno ka socda laba Aqal ayaa ra’isul wasaaraha safarkiisa ku wehlinaya.
Ujeedka safarka ayaa lagu sheegay in ra’iisul wasaare khayre iyo madaxda dalka Sucuudiga ay yeelanayaan kulamo looga hadlayo xoojinta xariirka walaaltinimmo ee labada dal ka dhexeeya, isbedellada gobalka iyo guud ahaan caalamka.