Shir ay ka qeybgalayaan madaxda ugu sareysa maamulka Somaliland iyo kuwa Beesha Caalamka ayaa maanta ka furmay magaalada Hargeysa waxaana looga hadlay waxyaabaha u qabsoomay Somaliland muddadii 27-ka sano oo ay dhisneyd.
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah u daah-furay shirweyne heer sare ah oo lagu falanqaynayo guulihii ay Somaliland gaartay muddadii 27-ka sano ahayd ee ay jirtey iyo caqabadihii soo wajahay, kaas oo ay kasoo qayb-galeen wufuud caalami ah oo ka socota dalal kala duwan oo dunida ah, hay’addo Shir ay ka qeybgalayaan madaxda ugu sareysa maamulka Somaliland iyo kuwa Beesha Caalamka ayaa maanta ka furmay magaalada Hargeysa waxaana looga hadlay waxyaabaha u qabsoomay Somaliland muddadii 27-ka sano oo ay dhisneyd.
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo si rasmi ah shirweynahan u daah-furay, ayaa ku dheeraaday sidii ay shacabka reer Somaliland ugu soo dhabar-adaygeen inay noqdaan qaran taabbo-gal ah oo isku filan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu sheegay in ay sii socon doonto horumarada ay gaareen.
Wufuud ka socoto 20 dal oo isugu jira diblomaasiyiin, siyaasiyiin, safiirro, shirguddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, xildhibaanno, hoggaanka axsaabta qaranka, , haldoor ka socday dalalka Jaarka ee Jabuuti iyo Itoobiya iyo marti-sharaf kale ayaa shirka ka qeyb galay.