Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa magaalada Ankara kulan ku yeeshay kuwaa oo looga hadlayo xoojinta xeriirka labada dal ee Saaxiibtinimo iyo Walaaltinmo oo sidoo kale ka dhaxeeyaan wada shaqeyn ganacsi iyo iskaashi dhaqaale.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Libaax Ibraahiim ayaa kulan arrimahaasi looga hadlayo waxa uu la qaatay Wasiir ku-xiggeenka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga dalkaasi.
Heshiis iskaashi oo labo sano ka hor ay kala saxiixdeen Wasaaraddaha Tamarta Soomaaliya iyo Turkiga ayeey kawada hadleen sidii loo dhaqan gelin lahaa .
Waxaa dhawaan dalka Turkiga lagu qaban doonaa shir looga hadlayo siddii ay iskaashi u yeelan lahaayeen shirkadaha gaarka ah ee Tamarta, kuwaasi oo ka shaqeeya labada dal, taasi oo sahalayso in iskaashi wanaagan ay yeeshaan shirkadahaasi.