Musharaxiinta qaar ee maamulka Koofur Galbeed ayaa ka walaacsan dib u dhaca ku yimid guddiga doorashada Madaxtinimo ee maamulkaasi xili ay soo dhawdahay waqtigii loo qabtay in ay doorahada dhacda.
Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ka mid ah musharixiinta doorashada Madaxweynaha Maamulka koonfur Galbeed ayaa arrintan walaac gooni ah ka qaba xili uu weli wadaa ololihiisa doorashada.
Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Koonfur Galbeed oo kulan isugu yimid ayaa sidoo kale ka hadlay dib udhaca ku yimid dhisidda guddiga doorashada madaxtinimo ee Koofur Galbeed.
Muqtaar Roobow ayaa sheegay in Dastuurka Koonfur Galbeed uu dhigayo in Guddiga doorashada la dhiso ka hor lixdan cisho balse uu aad uga xun yahay dib u dhaca ku yimid.
Abuu Mansuur ayaa Xildhibaanada Koonfur Galbeed ugu baaqay in si deg deg ah loo soo dhiso guddigaas maadaama waqtiga doorashada ay tahay mid dhow.