Shirweynaha Africa iyo Turkiga oo diiradda lagu saaro ganacsiga ayaa ka furmay magaalada Istanbul waxaana Soomaaliya ugu qeyb galaya Wasiirka Ganacsig Soomaaliya mudane Cabdi Xayir Maareeye.
Shirka ayaa diiradda lagu saarayaa dhinaca dhaqaalaha iyo Ganacsiga iyo waxaana wasiir Maareeye oo kulan la qaatay dhigiisa Turkiga uu sheegay in sida ugu dhaqsaha badan loo bilaabi lahaa in wax soosaarka Soomaaliya oo Canshuur dhaaf loo sameeyey loo keeni lahaa Suuqyada Turkey.
Shirkaasi oo ah kii 2-aad oo ay ku kulmaan Turkiga iyo Wadamada Afrika loogana hadlayo dhaqaalaha iyo ganacsiga ayaa ah mid muhiimad gaar ah u keh Soomaaliya kaasi oo ka soconaya Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga.
Dhiirrigelinta Afrika iyo maalgashiga Turkiga ayaa kamid ah ajendeyaasha ugu waa weyn ee shirka, iyada oo la falanqeynayo xiriirka ganacsiga iyo dhaqaalaha ee u dhexeeya Afrika iyo Turkiga, waxaa sidoo kale loogu talagalay in lagu muujiyo rajada laga filayo Agenda 2063 oo ah barnaamij loogu talagalay isbedelka bulsho, dhaqaale iyo siyaasadeed, taas oo Afrika ka dhigaysa mid ah barwaaqo, midnimo iyo dhaqaale oo madax-bannaan.