Saakay oo Taariikhdu ku beegantahay 14 Oktoobar 2018 waxaa maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ay xukun dil toogasho ah ku fulisay Xasan Aadan Isxaaq oo ka dambeeyay qaraxii Soobe kana tirsanaa Al shabaab.
Maxkamadda ayaa dhowr jeer u fariisatay dhageysiga dacwadda shaqsiyaad kale oo iyaguna lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen qaraxii Soobe, waxaana Maxakamadda ciidamada Qalabka Sida ku xukuntay dil toogasho ah Xasan Aadan , oo ah qisaasta dadkii ku geeriyooday labadii qarax ee ka kala dhacay Isgoyska Soobe iyo waddada DanWadaagaha 14/10/2017.

Muddo sanad ah ayaa maanta ka soo wareegatay markii qarax loo adeegsaday gaari xamuul ah uuka dhacay Isgoyska Soobe oo dad badan ay ku dhinteen.