Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mduane Xasan Cali Khayre shalay si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle ayaa dhagaxdhigay goobo muhiim u ah maamulka Hirshabelle.
Ra’isul wasaaraha ayaa dhagax dhigay dhismaha Xafiisyada Madaxtooyada Hir-shabeelle, xarunta baarlamaanka iyo wasaaradda maaliyadda.
Ra’isul wasaare Kheyre oo halkaasi khudbad ka jeediyay ayaa waxa uu sheegay in uu xoogga saari doono dhismaha xarumaha ay ku shaqeynayaan maamul goboleedyada dalka waxaana uu tilmaamay in qorshahan uu qeyb ka yahay mid dib loogu dhisayo dalka.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale xarigga ka jaray dhismaha xarunta tababarka ciidanka Booliiska ee magaalada Jowhar, si loogu bilaabo tababarka ciidanka Booliiska Hir-shabeelle.