Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa isku diyaarinaysa inay Napoli hor dhigto dalab xambaarsan lacag badan oo ay kaga doonayso weeraryahankii dhibaatada ugu geystay kulankii ay dhowaanta iskaga hor yimaaddeen ee Lorenzo Insigne.
Liverpool oo muddo dheer daba socotay Insigne ayaa waxay guu dambayn go’aansaday inay ula tagto Napoli qorshihii u suurtogelin lahaa inuu yimaaddo horyaalka Premier League, isla markaana ay kaga hor marto Chelsea oo iyaduna raadinaysa.
Sida ay ku warrantay warbaahinta Rai Sports, Liverpool ayaa dagaal adag kala kulmi doonta Blues, hase yeeshee tababare Klopp ayaa u arka qaabkii uu u ciyaaray kulankii Champions League ee Napoli ay 1-0 kaga adkaatay horraantii bishan ay ka caawin lahayd inuu gaadho hammigiisa ku guuleysiga horyaalka Premier League.
Insigne ayaa ay adag tahay in Napoli si sahlan ku fasaxdo, waxaana uu dhowaan saxeexay heshiis cusub oo ay ka hadhsan tahay afar sannadood.
Liverpool waxa kale oo lala xidhiidhiyey weeraryahanka Genoa Krzysztof Piatek oo ah da’yar hoggaaminaya gool-dhalinta horyaalka Premier League.