Diyaarad gaar ah oo sida qaxooti Soomaaliyeed ayaa soo caga dhigatay garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kuwaa oo muddo ka maqnaa dalka.
Tirada dadkan ayaa lagu sheegay iney gaareyso 56 qof oo Soomaali waxaana ay ku noolaayeen xuduuda u dhaxeysa dalalka Sudan iyo Eritrea.
Hay’adda qaxootiga caalamiga ahee IOM ayaa kala shaqeysay dowladda Soomaaliya waxaana garoonka ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin katirsan dowladda kuwaa oo ku howlanaa samata bixinta shacabkan Soomaaliyeed ee ku dhibaateysnaa xadka Eretria iyo Sudan.