Heshiiskii Asmara ku dhexmaray dowladda Itoobiya iyo ururka ONLF oo ahaa mid xal loogu raadinayo kala duwanaashaha u dhaxeeya siyasadaha isdiidan, waxaa soo dhaweeyay maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Guulwade Cali Kaahin oo ah Wasiirka Warfaafinta Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in heshiiska uu yahay mid shacabka dowlad deegaanka Soomaaliya ay nabad waarta ku heli karaan.
Laba todobaad kadib ayuu sheegay wasiirka in magaalada Jigjiga ay ku soo dhaweyn doonaan xubno ka socda ONLF kuwaa oo hergelinaya heshiiskii Asmara.
Heshiiskaas oo ka dhacay magaalada Asmara ee dalka Eritrea ayaa soo afjaraya colaadda u dhaxeysay labada dhinac, wuxuuna heshiiskaasi qeyb ka yahay isbadallada uu la yimid ra’iisal wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Abiy Axmed.