Xiddiga reer Argentine ee Lionel Messi ayaa casuumad u sameeyey laacibka ay Barcelona u wada ciyaaraan ee Luis Suarez oo xalay saddexley goolal ah ka dhaliyey Real Madrid.
Lionel Messi oo dusha sare fadhiyey ciyaartan maadaama uu dhaawac kaga maqnaa ayaa waxa uu goob joog u noqday xiddigaha naadigiisa oo sida carruurta ula ciyaaraya Real Madrid oo la moodayey in aanay uba soo diyaargaroobin kulankan iyo weliba in ciyaartooyada sida Toni Kroos, Modric, Gareth Bale iyo Benzema ay tababar maalaayacni ah ku jiraan, haka Sergio Ramos iyo Nacho ay ahaayeen kuwo quudinaya oo kubadda siinaya weeraryahannada Barcelona sida Suarez.
Laacibka reer Brazil ee Marcelo oo ahaa ciyaartoyga ugu wanaagsan Real Madrid qaybtii dambena culays saaray, goolna dhaliyey iyo Raphael Varane ayaa dhaawac lagaga saaray ciyaarta oo aakhirkii ku dhamaatay 5-1 ay si bahdilaad ah Real Madrid kaga baxday garoonka.
Intii aanay ciyaartu dhamaanin, Lionel Messi oo dhoola-caddaynaya marna u sacabo tumaya ciyaartooyda kooxdiisa marka ay gool dhaliyaan ayaa shaashadaha kasoo muuqday, waxaana markii ay dhamaatay uu cusuumad u sameeyey halyeygii ciyaarta oo ahaa Luis Suarez oo saddexley dhaliyey.