Xukuumada Donald Trump ayaa ka dhabeysay hanjabaadii ahayd inay ciidamada militariga Maraykanka la geyn doono xaduuda dalkaasi la wadaago Mexico, si ay uga hortagaan kumanaanka Qaxootiga ah ee ka imaanaya dalalka Latinka.
In ka badan shan kun oo askari ayaa la sheegay in lagu xoojin doono illaalada Xaduuda, go’aankan oo ka horimaanaya sharuucdii hore ee wadanka Maraykanka ee ka mamnuucaya in Militariga hawlo noocaan ah ka fuliyo gudaha dalkaasi, hawlahaasi oo ay qaabilsan yihiin ciidamada illaada xaduuda iyo booliiska.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in aan marnaba la ogolaan doonin inay wadankaasi soo galaan qaxootiga tirada badan ee kasoo qulqulaya dalalka Honduras, Guatemala, iyo Mexico.