Wakiilada Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ambassador . Nicholas Haysom iyo kan Midowga Afrika ee Arrimaha Soomaaliya Francisco Madiera oo gaaray Magalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koofur Galbeed ayaa waxa ay kulan la qaateen musharixiinta madaxtinimo ee Koofur Galbeed.
Wakiilada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afirca waxa uu qaatay muddo saacado ah kulan arrimaha doorashooyinka ku saabsan iyo in si huufan ay u dhacdo doorashada oo bilaabaneysa 17 bisha soo socota ee November Sanadkan 2018.
Francisco Madiera ayaa balan qaaday in AMISOM ay ka qyeb qaadan doonto xaqiijinta dhinaca Amniga inta ay socoto doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.
Wakiilada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika e Arrimaha Soomaaliya Amb. Nicholas Haysom iyo Francisco Madiera ayaa sheegay in maamulka Koofur Galbeed u diyaar garoobay iney dhacdo doorasho xor ah oo musharixiintu ku tartami doonaan.