• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Friday, January 22, 2021
  • Login
LISTEN
Bandhiga
LISTEN
  • Bogga Hore
  • Radio
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Caafimaadka
  • Ciyaaraha
  • English
Bandhiga
No Result
View All Result
Home Sections

Akhriso Sharuudaha doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo lagu dhawaaqay

November 2, 2018
in Sections
0
494
SHARES
1.4k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Baydhabo(Bandhiga Media) – Iyadoo 17ka bishan November, lagu wado in la qabto doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayeey ku guddiga doorashada ku dhawaaqeen sharuudaha laga doonayo musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha.

Sharuudaha laga doonayo musharaxa ayaa kala ah :

1- Inuu yahay muwaadin Soomaali ah, una dhashay deegaannada Koofur Galbeed, oo aan qabin xaas ajnabi ah.

2- Inuu muslim yahay, kuna dhaqmo diinta islaamka.

3- Da’diisu in aysan ka yarayn 40 sano.

4- Inuu leeyahay aqoon iyo waayo aragnimo u qalanta xilkaas.

5- In Dhimirkiisu dhan yahay.

6- In uusan galin dambi culus oo ay maxkamadi xukuntay.

7- Inuusan haynin wax xil ah oo loo magacaabay

8- Bixinta curaar dhan $20,000 (ragga), $10,000 (dumarka).

9- Inuu u hogaansamayo habraaca guddiga qabanqaabada doorashada, iyo inuu ku qancayo natiijada.

Doorashadan ayaa ah mid xiiso gaar ah wadata, iyadoo ay ku loolami doonaan musharixiin dhowr ah oo uu ka mid yahay Shariif Xassan Sheekh Aadan oo ku eedeeyay dowladda in ay gadaal ka riixeyso musharixiin gaar ah.

Xildhibaannada Koonfur Galbeed qaarkood ayaa la sheegay in ay Muqdisho u tageen arrimo la xiriira doorashada, iyaga oo kulan gaar ah la qaatay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Sidoo kale musharixiinta xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed waxaa ka mid ah Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur, wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo taliyihii hore ee nabad-sugida Soomaaliya.

Share198Tweet124Send
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

January 10, 2020

Xukuumadda Tehran oo cod dheer ku sheegtay in uusan gantaal soo ridin diyaaraddii Ukraine

January 10, 2020

Tobanka Dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida Sanadkan 2019

August 5, 2019

0

U.S. Senate grills President Trump’s pick for Somalia envoy over his past performance

0

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay jabhado hubeyneyso

0
Maxey kawada hadleen Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Madaxweynaha kal-fadhiga 75-aad ee Golaha Guud ee Q.M?

Maxey kawada hadleen Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Madaxweynaha kal-fadhiga 75-aad ee Golaha Guud ee Q.M?

January 21, 2021
Madaxweynaha cusub ee Mareykanka oo laalay qaraaro adag oo Trump uu gaaray

Madaxweynaha cusub ee Mareykanka oo laalay qaraaro adag oo Trump uu gaaray

January 21, 2021
Taliyeyaal ciidan iyo askar xabsiga loo dhigay dilka gudoomiyihii degmada Hodon

Taliyeyaal ciidan iyo askar xabsiga loo dhigay dilka gudoomiyihii degmada Hodon

January 21, 2021
Bandhiga

Copyright © Bandhiga

Navigate Site

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Radio
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • Caafimaadka
  • English

Copyright © Bandhiga

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In