Degaano katirsan gobalka Sool waxaa maanta laga qeybiyay deeq raashiin ah oo uu soo dhiibay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafa Maxamuud Cagjar.
Dadka ay dhibaatada ka soo gaartay dagaaladii ka dhacay deegaanka Dhumay ee Koonfurta Gobolka Sool, ayaa loo qeybiyay Daawo iyo raashinka noocyadiisa kala duwan, kuwaa oo si gaar ah loogu talagalay iney noloshooda ku maareeyaan.
Qaar ka mid ah waxgaradka Goolka Sool ayaa deeqdaas waxa ay uga mahad celiyeen Madaxweyne Mustafe Cagjar,iyaga oo ku baaqay in sidaas iyo si la mid ah loogu soo gurmado.
Deegaanka Dhumay ee Gobolka Sool ayaa waxaa ku dagaalamay laba maleeshiyo beeleed,waxaana jirtay in dadka badi ay ka barakaceen.
Bandhiga Media 2018