Kulan gaar ah o looga hadlayay u diyaar garowga doorashooyinka soo scoda ee dalka Soomaaliya ayaa waxa uu shalay dhexmaray Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo xafiiskiisa ku qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay ee UNDP iyo Xafiiska Siyaasada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Intii uu kulanka socday waxa ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin u diyaargarowga doorashooyinka soo socda ee uu dalka geli doono iyo hirgelinta shuruucda doorashooyinka.
Halgelinta geedi socodka doorashooyinka dalka ,qorshayaasha diiwaan gelinta cod bixiyaasha ayaa si gaar ah looga wada hadlay, waxaana xusid mudan in labada dhinac ay aad ugu warqabaan arrimaha doorashooyinka dalka.