Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa maanta ka dhacay kulan albaabada u xiran yihiin gaar ahaan Xarunta Madaxtooyada Galmudug kaa oo u dhaxeeyay Wafdi ka socda Qaramada Midoobay iyo madaxda maamulka Galmudug.
Wafdiga waxaa hoggaaminaya Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom waxaana ay la kulmeen madaxweynaha Galmudug Axmad Ducaale Geele Xaaf, Madaxa Xukuumadda Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan,Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Galmudug iyo mas’uuliyiin kale.
Kulan ayaa looga hadlay sidii Madaxda Sare ee Galmudug iyo Dowlada dhaxe ee Soomaaliya oo hadda khilaaf xoogan uu u dhaxeeyo loo xalin lahaa.