Guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee golaha shacabka ayaa maanta la kulmay xubno ka socday Bankiga aduunka (World Bank).
Warbixin ku saabsaneyd fursadaha dhaqaale ee aduunka ka jira iyo sida Soomaaliya loogu faa’iideyn karo ayaa looga hadaly kulan dhexmaray labada dhinac iyo isbadalada dhaqaalaha ee sanadihii la soo dhaafay iyo fursadaha hada banaan ee ka jira dalka.
Guddoomiyaha guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee golaha shacabka mudane Cali Cabdi Cismaan ayaa sheegay in Bankiga aduunka wax badan ay ka taageeri doonaan golaha shacabka.
Dowladda Soomaaliya ee hadda jirta ayaa horumar balaaran ka sameyneysa dhaqaalaha dalka marka loo eego dowladihii ka horeeyay ee dalka soo maray.