Warbaahinta Bandhiga Media waxa ay akhristayaasheeda maalin walba oo jimca ah u soo gudbin doontaa wararkii ugu waa weynaa ee ka dhacay gudaha dalka todobaadkii aynu ka soo gudubnay.
November 3, 2018 Xildhibaanada labada Aqal ayaa kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho
Sanatarada golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan waxa ay ku yeesheen magaalada Muqdisho kaa oo ay ku mudeenayaan xiliga ay la kulmayaan Reysul Wasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya.
Ajanadayaasha kulanka looga hadlay ayaa waxa ay kala ahaa yeen:
Warbixinta Guddoomiyaha shirarkii uu la yeeshay madaxda hay’addah Caalamiga ah.
Muddaynta xogwaraysi Golaha la yeesho Raiisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya.
Diyaarinta ajandaha Kulanka Axadda ee Golaha Aqalka Sare.
Dhegeysiga soojeedinta Guddiga Haweenka Baalamanka ee Aqalka Sare.
Warbixinta Guddoonka dhexdhexaadintii khilafka DFS & DXDF.
Sanatarada aqalka sare ayaa sidoo kale dhageystay warbixin ku saabsabsan hay’addo caalami ah uu la kulmay gudoomiye cabdi xaashi waxyaabihii ay kawada hadleen.
November 3, 2018 : Xildhibaanada Golaha Shacabka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa sabtidii aan ka soo gudubnay waxa ay kulan yeesheen xarunta Baarlamaanka, waxaana ay ka doodeen sharciyo horyaala oo loo madalsanyahay in ay wax ka badalaan kadibna ay ansixiyaan.
Kulanka ayaa lagaga hadlay labbo ajendo oo kala ah Aqrinta koowaad ee hindise sharciyeedka xuquuqda liil tirka siyaasiyiinta dowladda federaalka Soomaaliya iyo Sii wadista codeynta ansixin horudhac ah wax ka badalka xeer hoosaadka golaha shacabka.
November 3, 2018 : Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Garoowe:
Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa ka dagay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoowe u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.
Nicholas Heysom ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Cali Gaas oo kusoo dhaweeyay aqalka looga arrimiyo maamulkaasi waxa ayna ka wada hadleen sidii loo xalin lahaa qilaafka xoogan ee dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada u dhexeeyo.
Erygayga gaarka ah ee Qaramada Midoowe u qaabilsan Soomaaliya Mr Heysom ayaa kol sii horeysay kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira oo badi la filaayo in dhawaanahaan ay doorasho galaan marka laga reebo maamulka Hirshabeelle.
November 3, 2018 Ciidamo gadoodsan ayaa la wareegay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garoowe:
Ciidamo ka gadooday Mushaar la’aan ayaa la wareegay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garowe ee General Maxamed Abshir.
Ciidamada ayaa lagu soo waramayaa inay ka soo baxeen furinta dagaalka deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, halkaasi oo bilihii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen.
Ciidamadan ayaa waxaa hoggaaminaayo Sarkaal lagu magacaabo Col. Sumaysane oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada Maamulka Puntland ee furinta dagaalka Tukaraq ku jiray.
November 3, 2018 Madaxweyne Farmaajo ayaa cambaareeyay weerar ka dhacay Dalka Masar
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii ka dhacay magaalada Minya ee dalka Masar, kaas oo ay ku nafwaayeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee dalka Masar Mudane Cabdifataax Alsiisi iyo ehelada dadkii ku nafwaayey weerarkaasi, waxa uuna u rajeeyay dadkii dhaawacyadu soo gaareen in ay si deg deg ah caafimaad dhammeystiran u helaan.
November 4, 2018 Qandaraasyo ay lacag badan kaga baxday dowladda Soomaaliya ayaa la hakiyay:
War qoraal ah oo ka soobaxay hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in ay hakisay maanta oo sabti ah Qandaraasyo malaayiin Doollar ah oo baxay sanadihii la soo dhaafay.
Hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa sidoo kale lagu sheegtay in qandaraasyadan la hakiyay uu saxiixay Wasiirkii Hore Amniga, islamarkaana loo gudbiyay Hanti-dhoorka guud ee Qarank.
“Maanta, oo ah 3-da Nofembar 2018, NISA waxay hakisay una gudbisay Hanti-dhowrka guud ee Qaranka, qandaraasyo malaayiin doolar dhan, oo baxay sanadihii lasoo dhaafay, uuna saxiixay Wasiirkii hore ee amniga,si’ uu u baaro uguna gudbiyo hey’adaha ay khuseyso” ayaa lagu yiri Warkan ka soo baxay Hay’adda oo lagu baahiyay Barta Twitter-ka NISA.
November 4, 2018 Gudoomiyaha gobalka Banaadir oo xilka ka qaday gudoomiyaha dagmada Hodan:
Maamulka gobalka Banaadir ayaa isbadal ku sameeyay Gudoomiyihii Degmada Howl-Wadaag Mudane Cabdikariin Cali Kaar oo xilka laga qaaday waxaana loo magacaabay degmadaasi Mahad Cabdi Caraalle.
Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisoow ayaa sidoo kale wada qorshe uu xilka uga qaadayo gudoomiye yaasha dagmooyinka gobalka Banaadir sida ay sheegeen warar lagu kalsoonaan karo.
November 4, 2018 : Taliyaha Booliska degmada Kaaraan ayaa xilka laga qaaday:
Taliye Cabdi Shiikh Ciise oo kamid ah saraakiisha ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa xilka taliyaha booliska dagmada Karaan loo magacaabay, waxaana laga qaaday taliye Canjeex oo hori u ahaa taliyaha saldhiga Booliska Degmada Kaaraan .
November 5, 2018 : Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida ayaa deeq raashiin ah gaarsiiyay Shacabka ku nool gobalka Sool
Degaano katirsan gobalka Sool waxaa todobaadkii aynu ka soo gudubnay laga qeybiyay deeq raashiin ah oo uu soo dhiibay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafa Maxamuud Cagjar.
Dadka ay dhibaatada ka soo gaartay dagaaladii ka dhacay deegaanka Dhumay ee Koonfurta Gobolka Sool, ayaa loo qeybiyay Daawo iyo raashinka noocyadiisa kala duwan, kuwaa oo si gaar ah loogu talagalay iney noloshooda ku maareeyaan.
Qaar ka mid ah waxgaradka Goolka Sool ayaa deeqdaas waxa ay uga mahad celiyeen Madaxweyne Mustafe Cagjar,iyaga oo ku baaqay in sidaas iyo si la mid ah loogu soo gurmado.
November 5, 2018 : Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo gaaray Hargeysa:
Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa gaaray magaalada Hargeysa. Wuxuuna halkaa kula kulmay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.
Intii uu socday kulanka waxyaabaha laga wada hadlay waxaa kamid ah xiriirka Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, dagaalka Tukaraq ee Puntland iyo Somaliland iyo arrimo guud oo amniga ku saabsan.
November 5, 2018 : Kulan loog hadlay doorashooyinka soo socda ayaa Muqdisho lagu qabtay:
Kulan gaar ah oo looga hadlayay u diyaar garowga doorashooyinka soo scoda ee dalka Soomaaliya ayaa waxa uu dhexmaray todobaadkii aynu ka soo gudubnay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo xafiiskiisa ku qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay ee UNDP iyo Xafiiska Siyaasada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Intii uu kulanka socday waxa ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin u diyaargarowga doorashooyinka soo socda ee uu dalka geli doono iyo hirgelinta shuruucda doorashooyinka.
November 5, 2018 Shir looga hadlay qoondada haweenka ayaa Muqdisho lagu qabtay:
Waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay shir kusaabsan sidii loosii xoojin lahaa qoondada ay leeyihiin haweenka Soomaaliyeed waxaana ka soo qeyb galay mas’uuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya, xubno ka socday labada gole ee baarlamaanka dalka iyo ururada u dooda xuquuqda haweenka.
Ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed ayaa shirka soo agaasimay waxaana shirka furay gudoomiyaha golaha Aqalka Sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi oo ka hadlay arrimo dhowr ah.
Mudane Xaashi ayaa tilmaamay in in dumarka soomaaliyeed ay door wayn oo lama ilaawaan ah kuleeyihiin bulshada dhexdeeda, loona baahanyahay in lasii xoojiyo qoondada haweenka ay leeyihiin dowladda Soomaaliya.
November 5, 2018 Cabdicasiis Lafta Gareen oo iscasilay iyo musharixiin uu kamid yahay Roobow oo la gudoonsiiyay shahaado:
Cabdicasiis Xassan Maxamed (Lafta Gareen) oo ahaa Wasiirka Tamarta iyo Biyaha DF ee Soomaaliya, kana mid ah xildhibaannada Soomaaliya ayaa shirjaraa’id oo uu ku qabtay maantay magaalada Baydhabo waxaa uu si rasmi ah ugu shaaciyay in uu iska casilay xilkii wasiirnimo ee Dowladda Soomaaliya iyo midkii baarlamankaba.
Dhanka kale Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa maanta si rasmiya loo gudoonsiiyay shahaadada aqoonsiga ah ee uu kaga qaybgalayo tartanka loogu jiro doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo dhacaysa bishaan aan ku guda jirno, Roobow waxa uu noqonayaa musharaxii ugu horeeyay ee buuxiya shuruudaha doorashada ee looga baahan ahay musharaxiinta, waxaa sidoo kale shahaadad musharaxnimo la gudoonsiiyay Mudane Calool kuus.
November 5, 2018: Madaxweyne Farmaajo ayaa waraaqaha safiirnimo ka gudoomay safiirka Soomaaliya u fadhin doona Finland:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha danjirinimo ka gudoomay Danjiraha Dowladda Finland ay u soo magacawday Soomaaliya Mudane Erik Lundberg.
Danjire Erik ayaa Madaxwweynaha Jamhuuriyadda u gudbiyey farriin uu uga siday Madaxweynaha dalkiisa Mudane Sauli Niinistö.
November 5, 2018: Gudoomiyaha doorashooyinka maamulka Koofur Galbeed oo iscasilay:
Guddoomniyaha Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa shegay in uu iscasilay kadib markii Magaalada Baydhabo uu shir jaraa’id ku qabtay Carte Ibraahim Aadan waxaana uu tilmaamay in sababta uu isku casilay ay tahay faragelin ay ku heyso dowladda Federaalka Soomaaliya.
November 5, 2018: Madaxda Galmudug iyo wakiilka Qaramada Midoobay ayaa kulan yeeshay:
Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa ka dhacay kulan albaabada u xiran yihiin gaar ahaan Xarunta Madaxtooyada Galmudug kaa oo u dhaxeeyay Wafdi ka socda Qaramada Midoobay iyo madaxda maamulka Galmudug.
Wafdiga waxaa hoggaaminaya Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom waxaana ay la kulmeen madaxweynaha Galmudug Axmad Ducaale Geele Xaaf, Madaxa Xukuumadda Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan,Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Galmudug iyo mas’uuliyiin kale.
Kulan ayaa looga hadlay sidii Madaxda Sare ee Galmudug iyo Dowlada dhaxe ee Soomaaliya oo hadda khilaaf xoogan uu u dhaxeeyo loo xalin lahaa.
November 6, 2018: Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo gabagabeysay shir uga socday Muqdisho:
Golaha wasiirrada oo mudda laba maalin ah uu Muqdisho uga socday kulan sannadeedka dar-dar gelinta qorshayaasha qaranka ayaa isku raacay in la xoojiyo wada shaqaynta ka dhaxaysa hay’adaha dawladda, dar-rar gelinta dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta amniga caasimadda, in dhaqankii qaldanaa lagu bedelo dhaqan ku salaysan run isu-sheegid, in si hufan loo ilaaliyo amaanada ummadda iyo in la xoojiyo isla xisaabtanka.
Golaha ayaa sidoo kale isku raacay in dib loo eego hal-beegyada siyaasadda loo dhanyahay oo xoogga la saaro dhamaystirka dastuurka, meel marinta sharciyada muhiimka u ah hannaanka awoodda loogu celinayo gacanta ummadda Soomaaliyeed si ay doortaan hoggaanka ay xaqa u leeyihiin.
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali, oo khudbad kooban ka jeediyay xiritaankii kulanka ayaa sheegay in mas’uuliyiinta fursadda u helay in lagu aamino masiirka ummadda Soomaaliyeed, laga doonayo in ay uga soo baxaan mas’uuliyadda sidii loogu aaminay oo ay ka shaqeeyaan danta ummadda Soomaaliyeed.
November 6, 2018 : Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa soo saartay amar ku socda madaxda Koofur Galbeed:
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta oo war saxaafadeed soo saartay maanta ayaa looga hadlay doorashada maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya waxaana uu u qornaa sida tan:
Waxaa madaxda Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ee Soomaaliya la faray in doorashada dowlad KGS ay ku qabsoonto xilliggii loo asteeyey oo ah 17ka November 2018ka.
“Muddada xilhanyta maamulka hadda ka jira koofur galbeed waxay ku egtahay 17ka November lamana aqbali doono in ay dib uga dhacdo” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda ka soo baxay.
November 6, 2018 : Banaanbax looga soo horjeedo AMISOM auaa ka dhacay magaalada Muqdisho
Banaanbax ballaaran oo ay ka qeyb galayaan boqolaal ka mid ah Shacabka kunool degmada Hilwaa ayaa ka dhacay Isgoyska Ex Kontrool Balcad kaa oo looga soo horjeeday ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi oo qarax lala eegtay.
Ku dhawaad 4 qof ayay toogasho ku dileen Ciidanka AMISOM kadib markii lala eegtay qarax xoogan , waxaana arintaas ka carooday Shacabka kunool Muqdisho.
November 7, 2018: Ilhaan Cumar ayaa ka mid noqotay Congress-ka Mareykanka:
Ilhaan Cumar ayaa noqotay qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo Qaxootinimo ku taga dalka Mareykanka oo ka tirsanaada Aqalka Congress-ka, waxaa ay guushaasi ka gaartay doorashaddii dhexe ee Mareykanka ee shalay dhacday.
Waxaa ay badashay Ilhaan Cumar Keith Ellison oo ahaa muslimiinkii ugu horreeyay ee ka mid noqdo Aqalka Congress ,islamarkaana ka soo galay dhanka Minnesoto.
November 7, 2018: Shariif Xasan ayaa ka tanaasulay Doorashada Koofur Galbeed Soomaaliya waxaana uu iska casilay xilka madaxweynenimo:
Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ka tanaasulay doorashada madaxweynaha maamulkaasi.
Shariif Xasan Shiikh Aadan waxa uu sidoo kale iska casilay xilkii maaxweynenimo ee maamulkaasi, khdubad uu jeediyay ayaa waxa uu ku sheegay in tanaasulkiisa uu u sameeyay danaha shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya .
November 7, 2018: Shirka Wasiiradda amniga dowlad goboleedyadda ayaa ka furamay Furmay magaalada Kismaayo:
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa furay shirka Wasiirada amniga Dowlad Goboleedyada oo ay ka qayb galayaan Taliyayaasha Hay’ada nabadsugida Dowlad Goboleedyada dalka iyo wasiirada amniga ee maamulada Koofur Galbeed, Galmudug, Jubbaland iyo Puntland.
Waxaa shirkaasi si gaar ah looga wada hadlay sidii loo dhisi lahaa ciidan u gaar ah maamul goboleedyada si ay ula dagaalamaan ururka Al shabaab.
November 7, 2018: Madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga ka socday Turkiga oo Muqdisho kulan ku yeeshay:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga dalkaas Mudane Hulusi Akar ayaa adkeeyey muhiimadda xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal.
Ujeedka safarka wafdigan ayaa ah sidii dowladda Turkigu u sii dardargelin lahayd taageerada ay u fidiso Soomaaliya iyo inay qiimeeyaan siyaabaha ay ku sii horumarin karaan taageerada Ciidamada Qalabka sida ee dhinacyada tabobarka iyo qalabaynta.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Dowladda Turkiga uga mahadceliyey kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadanayso dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka sida, taasi oo asaas u ah in ciidanka Soomaaliyeed ay si buuxda u xaqiijiyaan ammaanka dalka.
November 7, 2018 Maxaabiis Soomaaliyeed oo xabsiyada Liibiya ku jirtay ayaa Muqdisho lagu soo celiyay:
Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa ka soo degtay diyaarad siday 124 qof oo Soomaali ah kuwaa oo ku xernaa xabsiyada dalka Liibiya.
Maxaabiistan Soomaaliyeed ayaa isugu jiray rag, dumar iyo caruur, waxaana Wajiyadooda ka muuqday dhibaatooyin ay la kulmeen intii ay ku jireen xabsiyadda dalkaasi.
Waxaa Garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Muqdisho dhalinyaradaasi kusoo dhaweeyey Wasiiro iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya.
November 8, 2018: Dowladda Soomaaliya ayaa u digtay Qaramada Midoobay :
Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo si aad ah ula socday arrimaha kajira dalka gaar ahaan khilaafka u dhaxeeya dowladda Federalka iyo maamul goboleedyada dalka ayaa waxa uu ka hadlay doorashada la filayo in ay dhawaan ka dhacdo maamulka Koofur Galbeed.
Cabdisaciid Maxamed Cali La taliyaha ammaanka madaxweynaha Soomaaliya ayaa boggiisa Twitter-ka waxa uu ku qoray qoraal kooban oo uu ku sheegay in ay muhiim tahay in Xafiiska Qaramada Midoobey aysan soo faragalin Arrimaha Gudaha Soomaaliya.
November 8, 2018: Maamulka Gobalka Banaadir ayaa bilaabay in xoolaha nool uu ka aruuriyo magaalada Muqdisho:
Maamulka Gobolka Banaadir, gaar ahaan Waaxda Nadaafadda ayaa bilowday olole lagu aruurinayo Xoolaha Waddooyinka Caasimadda Muqdisho iska dhex mushaaxo.
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa horey u soo saaray wareegto lagu mamnuucayo Xoolaha waddooyinka Caasimadda iska dhex jooga. Iyadoo la sameeyey Xerrooyinkii loogu talagalay oo lagu diyaariyey xannaanada ay xooluhu u baahan yihin.
@Bandhiga Media 2018