• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Tuesday, January 26, 2021
  • Login
LISTEN
Bandhiga
LISTEN
  • Bogga Hore
  • Radio
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Caafimaadka
  • Ciyaaraha
  • English
Bandhiga
No Result
View All Result
Home books

Lamaane Soomaaliyeed oo qoray Buugaag wax tar u leh caruurta Soomaalida. "Ma u dayaarisay caruurtaada noolasha berrito"

November 9, 2018
in books
0
510
SHARES
1.5k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Lamaane Soomaaliyeed oo ku nool dalka Britian ayaa aas aasay Buugaag kala duwan oo loogu magac daray “Ilmo Aqoon” kuwaa oo caruurta Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha ka caawinaya in aysan lumin dhaqankooda iyo afkooda.

Waa Maxmed Saylici oo taarkiih yahan ah iyo Faadumo Ibraahim oo ah macalimad Soomaaliyeed  waxaana ay lahaayeen bilowga fikirkan hirgelay kadib markii Suuqyada Britian laga waayay buug loo iibiyo caruurta si dhaqankooda u bartaan, waxaana  kaliya  la heli karaa buugaag ka hadlaya dhaqano kala duwan oo aan Soomaali aheyn kuwaa oo loogu talagalay caruurta Ajaanibta ah.

Maxamed Saylici oo wareysi siiyay warbaahinta Bandhiga Media ayaa sheegay in Ilmo Aqoon loo dhisay sidii caruurta Soomaaliyeed ay u baran lahaayeen dhaqanka iyagoo buugaagta ka arki kara farshaxan ku saabsan hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed si caruurta waxbadan uga bartaan dalka, waxaana uu xusay in 2015-kii la bilaabay qorshaha.

“Ilmuhu afkiisa haduu ilaawo, waxaa lumaya dhaqanka iyo taariikhdii awoowayaasha, waxeyna caruurta la qabasanayaan dadyoow kale” ayuu yiri Maxamed Saylac

Ilmaha Soomaalida ah ee qurbaha  ku nool waxa ay buugaagtani ka saacidayaan in ay waxbadan ka ogaadaan waxa ay ,dhaqaka, diinta iyo Akhlaaqda.

Buugaagta Ilmo Aqoon waxaa ka faa’ideysan kara caruurta da’dooda u dhaxeysa 3 ilaa 12 sano jir, iyadoo uu qorshaha yahay in la soo saaro buugaag kale oo ka sheekeyneysa arrimaha  Bulshada iyo Nolosha.

“Waxaan eegnay baahida ay caruurta Soomaaliyeed u qabaan buugaag yar yar anaga kama hadleeno sheekooyinkii qadiimiga ahaa, balse waa kutub aan kaga hadleenosheekooyin u waanagsan caruurta”

Maxamed Saylici ayaa sheegay in Buugaagtan Ilmo Aqoon ay gaari doonaan dalalka kale ee Soomaalida ku noo shahay, waxaana uu ku dheeraaday muhiimadda uu leeyahay isagoo intaa ku daray in la isku haleyn karo.

Qorista iyo naqshadeynta buugga ayaa laga dhex doortay dadka deegaanka Soomaaliyeed.

Maxamed ayaa waalidiinta Soomaaliyeed ugu baaqay in ay si gooni ah uga taxadiraan caruurtooda dhanka maskaxda, caafimaadka iyo noloshooda danbe si u noqdaan kuwa dhinac walba uga dhisan.

Ilmo Aqoon waxey soo saartaa buugaag kala duwan waxeyna la talisaa waalidiinta sidoo kale Kartoonyo ilmaha lagu fahansiinayo dhaqanka ayey soo saartaa.

Buugaagtan oo hadda kala ah Hooyo iyo Aabo, Awoowe iyo Ayeeyo ayaa laga heli karaa suuqa Amazon, waxaana hadda qorshah yahay in ay geyn doonaan maktabado kala duwan si buugaagtan loo helo.

Share204Tweet128Send
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

January 10, 2020

Xukuumadda Tehran oo cod dheer ku sheegtay in uusan gantaal soo ridin diyaaraddii Ukraine

January 10, 2020

Tobanka Dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida Sanadkan 2019

August 5, 2019

0

U.S. Senate grills President Trump’s pick for Somalia envoy over his past performance

0

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay jabhado hubeyneyso

0
Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo qorsheysan ku khaarijiyay xubno katirsanaa Al shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo qorsheysan ku khaarijiyay xubno katirsanaa Al shabaab

January 26, 2021
Maamulka Gobalka Banaadir oo qorsheynaya inuu la wareego xarumaha caafimaad ee ku yaala Muqdisho

Maamulka Gobalka Banaadir oo qorsheynaya inuu la wareego xarumaha caafimaad ee ku yaala Muqdisho

January 26, 2021
Christiano Ronaldo oo diiday heshiis ku kacaya 6 Milyan oo Doller oo Sacuudiga u soo bandhigay

Christiano Ronaldo oo diiday heshiis ku kacaya 6 Milyan oo Doller oo Sacuudiga u soo bandhigay

January 26, 2021
Bandhiga

Copyright © Bandhiga

Navigate Site

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Radio
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • Caafimaadka
  • English

Copyright © Bandhiga

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In