Kulan saddex geesood ah oo magaalada Bahr Dar ee dalka Itobiya ku dhexmaray madaxda dalalka Soomaaliya,Itoobiya iyo Ereteriya ayaa looga wada hadlay xiriirka iyo wadatashi gaar ah oo ay ka yeesheen danaha dalalkan.
Shirka ay yeesheen madaxda waxaa lagu xoojinayaa nabadda iyo isdhexgalka dalalka Geeska Afrika, waxaana sidoo kale ay dib u eegeen guulihii heshiiskii Asmara ee ku saabsanaa saaxiibtinnimada iyo iskaashiga saddexda dal.
Madaxdu waxay adkeeyeen muhiimaadda ay leedahay in la dhawro madaxbannaanida siyaasadeed iyo dhuleed ee Soomaaliya, iyo taageeradooda xooggan ee ku aaddan dadka Soomaaliyeed iyo dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxay sidoo kale madaxdu bogaadisay horumarka ku aaddan nabadda iyo xasilloonida ee dowladda Soomaaliya.
Madaxda dalalka Soomaaliya Itoobiya iyo Ereteriya waxay soo dhaweeyeen cunaqabaynta laga qaadayo Ereteriya iyaga oo xusay inay ku qanacsan yihiin in falkan caddaaladda ahi ka qayb qaadanayo sare u qaadidda nabadda, horumarka iyo iskaashiga gobolka. Waxay sidoo kale dib u sheegeen inay ka go’an tahay nabad iyo iskaashi gobolka ah oo loo dhan yahay.
Bandhiga Media 2018