Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kulan deg deg ah isugu yeeray Taliyeyaasha ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Kulanka oo ka dhacay Villa Soomaaliya waxaa diiradda lagu saaray weerarada iyo qaraxyada ay geesteen ururka Al shabaab iyo sababta looga hor tagi la’yahay.
Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Dalka ayaa faray Taliyeyaasha Ciidamada in ay si dhakhso ah ula yimaadaan warbixin dhammeystiran oo ku saabsan amniga iyo qaraxyadii dhacay maalintii Jimcaha ee aynu soo dhaafnay.
Taliyeyaasha uu isugu yeeray madaxweynaha dalka ayaa kala ah Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi, Kan Booliska Sareeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed, Asluubta Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac.