Dibadbaxayaal ka soo horjeeda go’aan lagu burburiyay Xarun Caafimaad oo ku taalla degmada Shibis ayaa maanta isugu soobaxay magaalada Muqdisho.
Banaabaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya oo lagu eedeeyay in ay bixisay amarka lagu duminayo xaruntaasi caafimaad.
Maamulka degmada Shibis ee Gobolkan Banaadir ayaa burburiyay Xarunta Caafimaad oo dadka qaba cudurada Qaaxada iyo HIV-ga, ka qaadan jireen dawooyin,waxaana Xaruntaasi la doonayaa in laga dhiso Isbitaal Weyn oo degmada shibis yeelaneyso.