Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa Dowladda Ghana ka codsaday in Ciidamo Boolis ah oo labisan in ay ku yaboohdo AMISOM.
Ku simaha Taliyaha Booliska ee AMISOM Haweeneyda lagu magacaabo Christine Alalo, oo Wariyayaal ka socday Ghana iyo Nigeria kula hadleysay Muqdisho ayaa sheegtay in Dowladda Ghana ay ka codsaneysi Boolis lebbisan.
Ghana waxaa hadda Soomaaliya ka jooga 37 Saraakiil tababarayaal Boolis ah, mana jiraan Boolis labisan oo la howlgala Ciidamada Soomaalida ah.
Christine Alalo, ayaa sheegtay in hadda ay Ciidamada Booliska ah ee AMISOM ee labisan ka kala socdaan dalalka Uganda, Nigeria iyo Sierra Leone.
Waxa ay sheegtay in Guuto labisan oo Boolis ah oo ay ka helaan Dowladda Ghana ay uga dhigan tahay dhiirro gelinta nabadeynta Soomaaliya.
Alalo, ayaa xustay in Booliska uu hadda heysto Howlgalka Amisom uu gaarayo 718 oo Askari una baahan yihiin 322 Askari si ay u gaaraan hadafka Booliska Amisom oo ah 1,040 oo Askari.