Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in Xabsi ku yaalla Dalka Uganda ay ka soo deyso 6 Muwaadin oo Mudo 4 sano ku xirnaa Xabsi ku yaalla dalkaas.
Dadaal dheer oo ay sameysay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sii daayay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xernaa muddo dheer xabsi ku yaala dalka Uganda.
Waa 6 qof oo Soomaali ah kuwaa oo si sharci darro ah u xernaa 4 sano sida ay warbaahinta u sheegeen markii la sii daayay, waxaana lagu eedeeyay dambiyo kala duwan.
Muwaadininta Soomaaliyeed ah ayaa waxaa lagu kala Magacaabaa:
1-Mohamed Ahmed Gele
2-Abdi Abdulahi Bootan
3-Mohamed Abdulqaadir Xirsi
4-Mohamed Yuusuf Faarah
5- Yuusuf Osman Hussen
6-Xasan Abdiwali Mohamuud Calanwade.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay wadamo ay ka mid yihiin,Itoobiya,Libya,Kenya iyo kuwo kale waxa ay ka soo deysay muwaadiniin mudo dhowr Sano ah ku xirneyd halka kuwo kale la qorsheynayo in la soo daayo.