Waaxda Caafimaadka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa maanta ku qabatay Magaalada Muqdisho Tartan Orod ah oo lagu xusayo Maalinta Cudurka Macaanka Adduunka, waxaana ka qeyb galay Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye, Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Max’ed Cabdullahi Max’ed “Tuulax” iyo Masuuliyiin kale.
Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Dowladda Hoose ee Xamar Dr. Max’ed Cadaw ayaa sheegay in Xanuunka Macaanka uu yahay mid saaxiib laga dhigan karo Balse loo baahan yahay in Jimicsi joogta la sameeyo.
Sidoo kale Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa bogaadisay waxqabadka Waaxda Caafimaadka Dowladda Hoose Ee Xamar, iyadoo sheegtay inay muhiim tahay in Bulshada qeybaheeda kala duwan loo qabto tartamo sidan oo kale ah.
Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Max’ed Cabdullahi Max’ed “Tuulax” ayaa sheegay in Tartankan uu dhiira galin u yahay dadka qaba Cudurka Macaanka.