• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Wednesday, January 20, 2021
  • Login
LISTEN
Bandhiga
LISTEN
  • Bogga Hore
  • Radio
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Caafimaadka
  • Ciyaaraha
  • English
Bandhiga
No Result
View All Result
Home Wararka

CIA oo keentay cadeymo uusan ka baxsan karin Maxamed Bin Salmaan

November 17, 2018
in Wararka
0
492
SHARES
1.4k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Hay’adda sirdoonka dhexe ee Mareykanka ee CIA, ayaa go’aamisay in dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu amray dilka suxufi Jamaal Khaashuqji, taasi oo burineysa doodda Sacuudiga ee ah in Bin Salmaan uusan waxba ka ogeyn dilka, waxaa sidaas werisay Washington Post.

Qiimeynta ay sameysay CIA-da, ayaa ah tii ugu xoogganeyd ee Bin Salmaan si toos ah ula xiriirineysa dilka Jamaal Khaashuqji, oo labadii October ka dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

CIA-da waxa ay darastay ilo-sirdoon oo dhowr ah, oo ay ku jiraan taleefon uu Khaalid Bin Salmaan, oo la dhashay Maxamed Bin Salmaan, islamarkaana ah safiirka Sacuudiga ee Mareykanka u diray Khaashuqji.’

Khaalid ayaa u sheegay Khaashuqji inuu tago qunduliyadda oo uu kasoo qaato waraaqahiisa furiinka, si uu u guursado gabadha u calmaneyd ee reer Turkey, isaga oo u damaanad qaaday inaan wax dhib ah la gaarsiin doonin.

Ma cadda haddii Khaalid ogaa in Khaashuqji la dili doono, hase yeeshee waxa uu taleefonka ku diray codsiga walaalkiis Maxamed Bin Salmaan, sida ay leedahay Washington Post. Wada sheekeysiga ayaa waxaa dhageystay CIA-da.

Fatimah Baeshen, oo ah afhayeenka safaaradda Sacuudiga ee Washington ayaa sheegtay in Khaalid iyo Khaashuqji aysan ka hadlin wax ku saabsan inuu Turkiga aado, waxaana Khaashuqji uu deganaa Mareykanka.

Waxa ay intaas ku dartay “qiimeynta CIA-da waa been abuur. Waxaan maqleynay oo weli maqalnaa sheekooyin kala duwan, ayada oo weli aan la hayn caddeymo sal leh.”

Qiimeynta CIA-da ee ku lug lahaanshaha dilka ee Maxamed Bin Salmaan , ayaa waxaa sidoo kale saldhig looga dhigay in Maxamed Bin Salmaan oo ah ninka sida dadban u xukuma dalka, uu wax kasta la socdo, xitaa waxyaabaha yaryar.

“Go’aanka la isku raacsan yahay ayaa ah inaysan arrintan dhacdeen ayada oo aanu Maxamed Bin Salmaan ka war-hayn” ayuu yiri sarkaal la hadlay Washington Post.

Go’aanka CIA-da ay gaartay ee ku lug lahaanshaha Maxamed ee dilka Khaashuqji ayaa sidoo kale waxaa waafaqsan akhbaaraadka ay hayaan dowlado kale oo u badan kuwa Yurub, kuwaas oo go’aamiyey in howl-galka uusan dhici kareen la’aanta Maxamed Bin Salmaan

Share197Tweet123Send
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

January 10, 2020

Xukuumadda Tehran oo cod dheer ku sheegtay in uusan gantaal soo ridin diyaaraddii Ukraine

January 10, 2020

Tobanka Dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida Sanadkan 2019

August 5, 2019

0

U.S. Senate grills President Trump’s pick for Somalia envoy over his past performance

0

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay jabhado hubeyneyso

0
Faah-faahino ka soo baxaya askar iyo saraakiil qarax lagula eegtay deegaanka Tixsiile

Faah-faahino ka soo baxaya askar iyo saraakiil qarax lagula eegtay deegaanka Tixsiile

January 17, 2021
Xildhibaan Mahad Salaad oo sheegay in Miinooyin ku leynayo saraakiisha ugu firfircoon ee C.Q.S

Xildhibaan Mahad Salaad oo sheegay in Miinooyin ku leynayo saraakiisha ugu firfircoon ee C.Q.S

January 17, 2021
Soomaali laga soo celiyay Mareykanka oo Muqdisho ka soo dagay iyo sababha ka dambeysa oo la ogaaday

Xog laga helay Soomaalida laga soo celiyayy Mareykanka iyo ujeedka ka dambeyb oo la ogaaday

January 17, 2021
Bandhiga

Copyright © Bandhiga

Navigate Site

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Radio
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • Caafimaadka
  • English

Copyright © Bandhiga

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In