Ra’isul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guulleed (Khadar) oo gaaray Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya waxa uu uga qayb gali doonaa maanta shirka madaxda Africa oo ka furmaayo Addis Ababa.
Shirkaan waxaa looga hadli doonaa sidii dib u habeen loogu sameen lahaa midowga afrika, iyo qaabkii si wanaagsan u wada shaqeyn lahaayeen EU-da iyo Urur Goboleedka Qaaradda Afrika ee AU, sida uu sheegay Mudane Mahdi Guuleed.
Inta uu kulanka socda waxaa looga hadli doonaa Hormarinta Afrika gaar ahaan arrimaha is dhex galka bulshada, dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda.