Real Madrid ayaa bilaabi doonta inay isku diyaariso kulanka Eibar horyaalka La Liga ee dalka Spain, kaasoo ka tirsan kulamada 13-aad ee xili ciyaareedkan.
Sida laga soo xigtay wargeyska “Mundo Deportivo”, macalinka kooxda Real Madrid Santiago Solari, ayaa ugu wada yeeray dhamaan ciyaartoydiisa tababar Los Blancos, kadibb kulamadii caalamiga ahaa ay ka qeyb galeen isbuucan.
Wargeyska ayaa intaas ku daray in la filayo in kulanka Eibar ay ka maqnaan doonaan dhamaan xidigaha kala ah Marcelo, Sergio Ramos, Jesús Vallejo, Dani Carvajal, Mariano Díaz.
Xidigaha Marco Asensio, Isco iyo Daniel Ceballos ayaa la filayaa inay qeyb ka noqon doonaan tababarka kooxda kadib markii ay soo gaba gabeeyeen kulamada caalamiga ah ee xulka qaranka Spain.