• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Sunday, January 17, 2021
  • Login
LISTEN
Bandhiga
LISTEN
  • Bogga Hore
  • Radio
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Caafimaadka
  • Ciyaaraha
  • English
Bandhiga
No Result
View All Result
Home Wararka

Xuutiyiinta Yemen oo aqbalay xabad joojin lagu dhawaaqay

November 19, 2018
in Wararka
0
494
SHARES
1.4k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Maleeshiyaadka shiicada ah ee dalka Yemen ayaa ku dhawaaqay inay diyaar u yihiin xabad joojin isla markaana waxa ay balanqaadeen inay joojiyeen gantaaladii iyo duqeyntii kale oo ay la beegsan jireen Sacuudiga iyo Xulafadiisa.

Go’aanka xabad joojinta ah ee Xuuthiyiinta ayaa lagu dhawaaqay xili uu dagaal culus ka socdo magaalada Xudeydah oo maalmihii lasoo dhaafay ku dhinteen boqolaal dad ah.

Xuuthiyiinta ayaa sheegay in tilaabadan ay doonayaan inay Beesha Caalamka ugu muujiyaan inay dhankooda kasoo horjeedin waan waanta nabada, waxayna sheegeen in Sacuudiga uu yahay kan weli sii wada dagaalka iyo duqeynta.

“…Maadaama Sacuudiga uu mudooyinkii danbe mar-marsiinyo ka dhigtay in duqeynta iyo gantaalada Xuuthiyiinta ay sabab u tahay duulaanka uu ku hayo wadanka Yemen ayaan waxaan go’aansanay inaan dhankeena joojino duqeynta aan ku wadnay Sacuudiga si ay u cadaato cida duulaanka wada….” ayuu yiri Maxamed Al Xuuthi oo kamid ah hogaamiyayaasha xuuthiyiinta oo xiligan cadaadis militari kala kulmaya xulafada Sacuudiga oo la wareegay qeybo kamid ah nawaaxiga magaalada Xudeydah.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa todobaadkii hore sheegtay inay aqbashay mid kamid ah sharuuda Xuuthiyiinta horey ugu xireen wadahadalka nabadeed oo ay Qaramada Midoobay wado, sharuudaasi oo ahayd in maleeshiyaadka dhaawaca ah ee Xuuthiyiinta dibada loogu qaado, gaar ahaan dalka Cumaan.

Waxaanse weli cadeyn in Sacuudiga uu xiligan Aqbali doono xabad joojintan iyagoo dadaal ugu jira inay la wareegaan magaalada Xudeydah iyo dekkada weyn ee ku taal kahor intaan la gaarin shirka ay Qaramada Midoobay qaban-qaabineyso dhamaadka sanadkan.

Share198Tweet124Send
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

January 10, 2020

Xukuumadda Tehran oo cod dheer ku sheegtay in uusan gantaal soo ridin diyaaraddii Ukraine

January 10, 2020

Tobanka Dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida Sanadkan 2019

August 5, 2019

0

U.S. Senate grills President Trump’s pick for Somalia envoy over his past performance

0

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay jabhado hubeyneyso

0
Faah-faahino ka soo baxaya askar iyo saraakiil qarax lagula eegtay deegaanka Tixsiile

Faah-faahino ka soo baxaya askar iyo saraakiil qarax lagula eegtay deegaanka Tixsiile

January 17, 2021
Xildhibaan Mahad Salaad oo sheegay in Miinooyin ku leynayo saraakiisha ugu firfircoon ee C.Q.S

Xildhibaan Mahad Salaad oo sheegay in Miinooyin ku leynayo saraakiisha ugu firfircoon ee C.Q.S

January 17, 2021
Soomaali laga soo celiyay Mareykanka oo Muqdisho ka soo dagay iyo sababha ka dambeysa oo la ogaaday

Xog laga helay Soomaalida laga soo celiyayy Mareykanka iyo ujeedka ka dambeyb oo la ogaaday

January 17, 2021
Bandhiga

Copyright © Bandhiga

Navigate Site

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Radio
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • Caafimaadka
  • English

Copyright © Bandhiga

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In