Wasiirka Ganacsiga iyo Washadaha Xukuumadda Federaalka Somaaliya iyo Rugta Ganacasatada iyo Warshadaha Soomaaliya ayaa maanta kala saxiixdeey heshiiskii Sadaxaad ee Madasha Wada hadalka, Ganacstada iyo Dowladda ee Public Private Dialogue (PPD).
Heshiiskan ay wada gaareen Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda iyo Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa qeexayso in labada dhinac ay ka wada shaqeyn horumarka ganacsiga, maalgashiga dalka oo laga wada shaqeyo,in si wadajir ah loo xaliyo caqabdaha dib u dhigaya horumarka kobaca dhaqaalaha Wadanka.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsatada iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdikariin Gabeere ayaa sheegay in muhiimad gaar ah ay u leedahay saxiixan sadaxaan.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadha XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareye ayaa tilmaamay in ay heshiiskan uu yahay dariiq inoo sahlaya in dalkeena fursadaha ganacsiga aan uga faa”iideyno.
Ugu dabeyntii Wasiirka Ganacsiga iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacstada Soomaaliyeed ay xariga ka jareen Wabsite lagala soconayo madasha wada hadalka Ganacsatda iyo Dowladda Public Private Dialogue (PPD) her uu Marayo Ganacsigeena,kobacaha Dhaqaalaha Dalka.