Japan ayaa xirtay madixii golaha maamul ee shirkadda baabuurta ee “Nissan” Carlos Ghosn kadib markii lagu eedeeyay inuu xadgudub dhaqaale, taasoo buuq wayn ka dhalisay Japan iyo France.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in madaxa “Nissan Motor” Hiroto Saikawa uu soo jeedin doona in xilka laga qaado madaxa Guddiga maamul kadib marka ay kulan isku gu yimaadaan golahani maalinta Khamiista.
Dhanka kale guddiga maamul ee shirkadda baabuurta (Renault) ayaa sheegay inay guddiga maamul u kulmi doonaan sida ugu dhaqsaha badan si ay uga hadlaan mustaqbalka Carlos kadib markii lagu xiray Tokyo.
Carlso Ghosn oo ku dhashay dalka Brazil oo asal ahaan kasoo jeedo Lebnan oo haysta dhalashada Fransiiska ayaa waxa sido kale uu ahaa madaxa fulinta ee shirkadda baabuurta(Renault) ee laga leeyahay France.
Dhanka kale Warbaahinta dalka Japan ayaa daaha ka fayday Carlos in loo xeray sababo la xiriira xadgudub dhaqaale oo uu ku kacay,waxana war qoraal ah ay daaha looga fayday oo in Carlos u adeegsaday lacagtan ujeeddooyin shakhsi ah.
Shirkadan laga leeyahay Japan ayaa sheegtay inay sameeysay baaritaan gudaha oo lagu soo gabagabeeyey in Carlos uu ku kacay hab-dhaqan-ba’an isaga oo u adeegsaday hantida shirkaddan ujeeddooyin shakhsi ah,iyada oo tilmaamtay inay usoo jeedin doonto golaha maamul in “si deg deg xilkiisa looga qaado”.
Wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegtay in masuuliyiinta Tokyo ay baaritaan ku sameeyeen madaxa “Nissan” kadibna ay soo baxeen warar la dusiyay oo ka hadlaya xadgudbyo uu galay sannadihii la soo dhaafay.