• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Wednesday, January 20, 2021
  • Login
LISTEN
Bandhiga
LISTEN
  • Bogga Hore
  • Radio
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Caafimaadka
  • Ciyaaraha
  • English
Bandhiga
No Result
View All Result
Home Opinion

Maalinta Macalinka Soomaaliyeed oo maanta ku beegan

November 21, 2018
in Opinion
0
496
SHARES
1.4k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

21 Nofembar waa  maalinta  loo asteeyay  Macalinka Sommaliyeed, waxaa habbon in aan dul istaagno Macalin iyo Qiimaha uu ugu fadhiyo Bulsho.

Waa kuma Macalin?

Macalin waa:

  • Midka gaarsiiya bulshada himiladeeda.
  • Ka badbaadiya bulshada mugdiga Jahliga.
  • Gaarsiiya bulshada baraaraha Cilmiga iyo Aqoonta.
  • Ilaaliya Hiddaha & dhaqanka bulshada.
  • Haddaba Macalinka waa Shumac holcaya dadkana u ifinaya noloshooda

HOWLAHA MACALINKA

Caruurtu waxa ay kusoo barbaaraan Bulshada Guriga,Bulshada Xaafadda,kadibna Caruurta waxa ay tagaan dugsiyada waxbarashada  oo ah Bulshada sedexaad oo ay ku biiraan caruurtu,  waxa ay caruurta  kala kulmaan Iskuulka Bulsho kabalaaran Tii Griga & Xaafada .

Bulshada Iskuulka  waxay kaga duwantahay  labadaas hore in ay ka koobantahay 4 qeyb :

  1. Maamul
  2. Shaqaale
  3. Arday
  4. Macalimiin

Afarataas ayaa saameynta tooska ah ku leh Ardayda waana Macalinka, sababtuna waa xirirka tooska ah ee uu la leeyahay macalinku ardayga,  xiriirkaas ayaa ah xiriirka  waxbasharada, taasna waxa ay keeneysaa in ardayga uu mar walba isku dayo in uu kudaydo Macalinka maadaama uu u arko in uu yahay Qof ka aqoon badan oo ka waayo aragsan.

 

Haddaba Macalinka waa kaas wuxa uu  sawir ka sii bixiyaa nooca ay noqonayaan Jiilash soo koraya ee  Bulshada .

HEERARKA & DURUUFAHA  UU SOO MARAY MACALINKA

Marka aan fiirino Macalinka Somaaliyeed waxaa noo muuqanaya in uu soo maray heerar & duruuf kaladuwan badankeeduna waxa ay aheyd mid aad ugu adag Macalinka Soomaliyeed  xagga shaqada & xagga xuquuqda.

Xuquuqda macalinka waxa loo qaybiyaa laba nuuc oo kala ah:

  1. Mid ku saabsan horumarinta aqoontiisa
  2. Mid ku saabsan Noloshiisa.

Marka aan gadaal u raacno Sooyaalka taarikhda waxbarashada Soomaaliya waxa aan xilligii ugu dhowaa uguna habboonaa ee Macalinka soomaaliyeed uu helo xuquuqihiisa waxa uu ahaa tobankii sano ee ugu horeysay  Rajiimkii Kacaankii 21 Oktoobar ,  waxaana muujinaya in la sameeyay xilligaasi sanadkii1974 maalin lagu maamuusaayo Macalinka Soomaaliyeed oo ah   21 Nofembar.

Marka aan qiimeeyo dhinaca ay xuquuqda macalinku ugu  Liidatay waa intii kadambeesay 1991 kii oo uu macalinku noqday mid dayacan  ama xooggiisa laga faa’iideysto isaga oo aan heleyn inta ugu yar ee xuquuqdiisa xag nolol & xag kobcinta aqoontiisa oo ah mid aad muhiim u ah.

BAAHAIDA MACALIN

Hadda waxyaabaha ugu waaweyn ee u baahanyahay macalin In laga haqabtiro waxaa ka mid ah:

DHINACA SHAQADIISA

  • In uu helo tababaro kor loogu qaadayo aqoontiisa iyo
  • In lagu dhiiri giliyo Cilmi Baarista kobcineyso aqoontiisa.
  • In loo diyaaariyo jawi degan uu wax ku bari karo ardayda(ku gudan karo waajibkiisa shaqo).

DHINACA  BAAHIDA MACALINKA

  • In Macalinka helo Qadarin & Ixtiraam
  • In uu helo mushaaar ku filan & gunno
  • In uu helo daryeel caafimaad , in hadii howlgab uu noqdo ay sameyso dowladda Soomaaliyeed xeer siinaya lacagta howlgabka & haddii uu geeriyoodana u wareejinaya caruurtiisa .
  • In dowladdu soo saarto xeerar lagu ilaalinayo xuquuqda macalinka.

DHINACA  NIYADDA

  • In la bedelo aragtida bulshada ka heysato Macalinka.
  • In la ilaaliyo karaamada& sharafta Macalinka lana siiyo kalsooni iyo in maamulka Iskuulka & waalidiinta ay garab ku siiyaan Macalinka gudashada shaqadiisa .

Gunaanadkii Qormadaan kooban

Baruhu waa in tixgeliyaa waxyaabahan:

  • In uu ogaado in shaqadiisa ugu weyn ay tahay in uu beddelo habdhaqanka ardayga
  • In uu ogaado muhiimadda uu xilligan leeyahay o ah in uu kahortago dhaqamada la soo minguuriyo ee kayimaado dhaqamada kale

 

Share198Tweet124Send
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

January 10, 2020

Xukuumadda Tehran oo cod dheer ku sheegtay in uusan gantaal soo ridin diyaaraddii Ukraine

January 10, 2020

Tobanka Dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida Sanadkan 2019

August 5, 2019

0

U.S. Senate grills President Trump’s pick for Somalia envoy over his past performance

0

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay jabhado hubeyneyso

0
Faah-faahino ka soo baxaya askar iyo saraakiil qarax lagula eegtay deegaanka Tixsiile

Faah-faahino ka soo baxaya askar iyo saraakiil qarax lagula eegtay deegaanka Tixsiile

January 17, 2021
Xildhibaan Mahad Salaad oo sheegay in Miinooyin ku leynayo saraakiisha ugu firfircoon ee C.Q.S

Xildhibaan Mahad Salaad oo sheegay in Miinooyin ku leynayo saraakiisha ugu firfircoon ee C.Q.S

January 17, 2021
Soomaali laga soo celiyay Mareykanka oo Muqdisho ka soo dagay iyo sababha ka dambeysa oo la ogaaday

Xog laga helay Soomaalida laga soo celiyayy Mareykanka iyo ujeedka ka dambeyb oo la ogaaday

January 17, 2021
Bandhiga

Copyright © Bandhiga

Navigate Site

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Radio
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • Caafimaadka
  • English

Copyright © Bandhiga

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In