• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Tuesday, January 26, 2021
  • Login
LISTEN
Bandhiga
LISTEN
  • Bogga Hore
  • Radio
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Caafimaadka
  • Ciyaaraha
  • English
Bandhiga
No Result
View All Result
Home Wararka

Akhriso: Ogaalka Bandhiga Media iyo wararkii Todobaadkan ugu xiisaha badnaa

November 23, 2018
in Wararka
0
493
SHARES
1.4k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Warbaahinta Bandhiga Media oo aad kaga barateen warar sugan waxey todobaadwalba  idiin soo gudbin doontaa wararkii ugu waa weynaa ee dhacay Isbuuca, waxaana ugu magic darna Ogaalka Bandhiga Media.

November 17, 2018:  Madaxweyne Farmaajo oo waraaqaha Aqoonsiga ka gudoomay safiirka Mareykanka u soo magacaabeen Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee Dowladda Mareykanka ay usoo magacawday Soomaaliya Mudane Donald Yukio Yamamoto.

Safiirka ayaa waxaa uu fariisimo ku yeelan doonaa sida ay Mareykanku qorsheynayaan Xalane oo ay ku doorteyn in amaan ahaan aad loo ilaayo ayna ka maarmi doonaan in dalka Kenya ay fariistaan.

Hadii ay Mareykanku Soomaaliya Safaarad ku yeeshaan waxa ay sii xoojineysaa Xiriirka labada dal waa Mareykanka iyo Saoomaaliya.

November 17, 2018:  Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka ayaa ka qeyb galay Shir Madaxeedka Afrika oo Itoobiya lagu qabtay:

R/wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guulleed (Khadar) Ayaa  Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya Uga qayb galaayo shirka madaxda Africa oo Ka furmaayo Halkaasi.

Mahdi Maxamed Guulleed R/wasaare ku xigeenka dalka oo la hadalayay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Shirkaan looga hadlayo Sidii dib u habeen loogu sameen lahaa midowga afrika, iyo sidii ay si wanaagsan u wada shaqeyn lahaayeen EU-da iyo Urur Goboleedka Qaaradda Afrika ee UA.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho,iyadoo uu shir guddoominaayay kusimaha guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey) waxaa soo xaadiray 155 xildhibaan.

November 17, 2018:   Guddiga Doorashada maamulka Koofur Galbeed ayaa la ansixiyay

Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay oo ay kulan ku yeesheen Golaha Baarlamaanka maamulkaas, waxaana looga doodayay xubnaha Guddiga doorashada madaxtinimada,iyada oo doorashadii maamulkaas dhici lahayd dib u dhacday.

Xildhibaanada kalfadhiga xaadiray waxaa ay gaarayeen 138 Mudane, 134 codka kal soonida ayeey siiyeen Guddiga doorashada oo ka booban 15 xubnood,waxaa ka aamusay labo xildhibaan halka ay labo kale diideen.

Guddigii kan ka horreeyay ayaa gaarayay 27 xubnood,kuwaas oo badankood is casilay markii uu khilaaf soo kala dhexgalay.

November 17, 2018:  Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda dadka naafada ah

Hindise sharciyeedkan ayaa waxaa soo diyaariyay wasaarada Haweenka iyo xuquuql insaanka ee Xukuumada Soomaaliya, waxaa wax ka bedel iyo ku daris ku sameeyay guddiga xuquuqul insaanka ee Golaha Shacabka.

155 oo madasha fadhiyay ayaa cod wada ogol ah ugu codeeyay, ma jirin xildhibaan diiday ama xildhibaan ka aamusay.

Guddoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka ee Golaha Shacabka Xildhibaan Xaawa Yuusuf Axmed ayaa xildhibaanada kaga mahad celisay ansixinta iyo go’aanka wada ogolka ah oo ay qaateen.

November 18, 2018: Muwaadin Soomaaliyeed ayaa laga sii daayay xabsi ku yaala dalka Mareykanka.

Xakimiin heer Federaal ah ayaa xabsiga kasii daayay soo gelooti Soomaali ah oo mudo Saagaal bilood ah bilaa Maxkamadeyn ku xirnaa xabsiga Strafford County Jail ee Dalkaasi Mareykanka.

Ninka xabsiga laga siidaayay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdiqani Feysal Xuseen waxaana loo xiray oo uu xabsiga ku muteysatay in lagaga shakiyay in dalkaasi uu sharci la’aan uu joogay taasi oo ugu dambeyntii la ogaaday in sifo sharci ah uu ku joogo dalkaasi waxaana ay sii deyntiisa timaaday kadib markii ay u doodeyn ururka u dhaq dhaqaaqa xuquuqda muwaadiniinta Mareykanka ee ACLU loo soo gaabiyo.

Cabdiqani ayaa sida lagu ogaaday baaritaan hordhac ah oo la sameeyay waxa uu dalkaasi Mareykanka qaxoooti ahaan uu ku galay 1996 waxaana xigtay in la siiyay Green Card-ka ama sharciga weyn ee dalkaasi Mareykanka.

November 18, 2018:  Booliska Kenya ayaa qabtay Tahriibayaal Soomaali ah

Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in ay badbaadiyeen tahriibayaal doonayey in ay dalkaasi kaga sii gudbaan dalka Uganda deetana ay sii maraan dalka Sudan halkaasi oo ay kaga sii gudbi rabeyn dalka Libya.

Saraakiil u hadlay booliska dalkaasi gaar ahaan waaxda dembi baarista ee markii magacooda lasoo gaabiyo loo garan ogyahay DCI ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen 169 ruux oo Soomaali u badan oo u hanqaltaagayay in naftooda ay ku biimeeyaan halista tahriibta iyo safarka dheer ee halista ah ee Saxaro iyo Badba leh.

Waxa ay eedeyn kala dul dhaceyn Muqalisiin sida ay sheegeen Soomaali ah oo u sahla tahriibayaasha Soomaalida ah habka ay u safri lahaayeen, balse Boolisku uu ku raad joogo dadkaasi saacida tahriibayaasha.

November 18, 2018:   Shir u dhaxeeya Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Xukuumadda Soomaaliya ayaa Muqdisho ka furmay.

Shir looga hadlayo Ganacsiga Soomaaliya iyo Horumarada Dhaqaale ee dalka ayaa ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana shirkaasi ka qeyb galaya R/Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya Shirkadaha Ganacsiga Caalamiga ah, kuwa Maxaliga ah iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka hadlay shirka Ganacsiga looga hadlaayo ee ka furmay Magaalada Muqdisho ayaa bogaadiyay Dowladda Turkiga iyo sidoo kale wadamada Reer Galbeedka ee Soomaaliya ka taageera dhanka dhaqaalaha.

November 18, 2018:    Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay baaritaanadii ugu dambeeyay ee Jamal Khashoggi:

War saxaafadeed  ay soo saaratay Wasaaradda arrimaha dibada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhoweyay baaritaanka ay ku dhawaaqday Xeer ilaalinta guud ee Dowladda Sacuudiga,kaasi oo ku aadan arrinta wariyihii lagu dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ku leedahay dalka Turkiga ee Jamal Khashoggi.

November 19, 2018:  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tagaya magaalada Kismaayo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Hoggaamiye Xisbi, waxaana Magaalada Muqdisho iyo gobolada qaar uu ka waddaa Ololo xooggan oo ku aadan Caanbixinta Xisbiga uu hoggaamiyaha ka yahay

Xasan Sheekh ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Jubbaland Axmad Maxamed Islaam iyo xubnaha wasiirada ee maamulkaasi.

November 19, 2018:  Madaxweyne Farmaajo ayaa  u dhoofaya dalka Talyaaniga

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo  ayaa u dhoofay Magaalada Roma ee Caasimadda dalka Talyaaniga.

Socdaalka Madaxweynaha waxaa ku wehlinaya xildhibaano, Wasiiro iyo xubno ka socda Madaxtooyadda, waxaana booqashadan  ay qaadatay saddex cisho.

Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay Madaxda ugu sareysa dalka Talyaaniga, sidda Madaxweynaha iyo hay’addaha sidda gaarka ah u taageera Soomaaliya.

November 19, 2018:   Muwaadin Soomaaliyeed ayaa lagu dilay dalka Koofur Afrika

Dalka Koofur Afrika gaar ahaan magaalada Mayfair waxaa  lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomaalida ku Ganacsata Koonfur Afrika.

 

Muwaadinka soomaaliyeed ee la dilay waxaa magaciisa lagu sheegay Cali Yare,waxaana marxuumka ay dilkaasi uu ka dambeeyay nin kale oo Soomaali ah oo khilaaf hore uu kala dhaxeeyay.

Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika ayaa gacnata ku dhigay wiilka Soomaaliga ah ee dilay Wiilka kale ee Soomaaliga ah,iyaga oo baaritaano ku sameynaya.

November 19, 2018: Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland ayaa xukun dil ah fulisay:

Maxkamada Ciidamada Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa xukun dil toogasho ah ku fulisay Askari horay uga tirsanaa Ciidamada Darawaaishta Jubbaland kaas oo lagu Magacaabo Cabdirisaaq Cumar Cabdullaahi.

27-kii Bishii Octoober ee Sanadkana uu Magalada Kismaayo ku dilay Nabadoon Xassan Goolo oo kamid ahaa Waxgaradka deegaanada Jubbaland.

Maxkamadda ayaa 6-dii bishaan November ridday xukunka dilka ah ee qisaasta Nabadoonka, laguna riday eedaysane Cabdirisaaq Cumar Cabdullaahi.

November 19, 2018:  Mootooyinka Bajaajta ee deeganada Puntland ayaa waqti loo qabtay:

Jeneraal Muxudiin Axmed  Taliska ciidanka Booliiska Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu digniin u diray Mootooyinka Bajaajka ee ka howlgala  Deegaanada maamulka Puntland ayaa digniin loo mariyay warbaahinta, xili uu Taliska ciidanka Booliiska Puntland Jeneraal Muxudiin Axmed sheegay in uu waqti uu qabtay.

Amarka ayaa waxa uu sheegayayaa in wixii ka dambeeya 11-ka habeennimo aanay shaqeyn karin Mootooyinka Bajaajta.

November 19, 2018:   Soomaaliya iyo Finland ayaa arrimo dhowr ah isku raacay:

Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Finland, Samuli Virtanen oo Muqdisho soo gaaray.

 

Labada mas’uul ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka labada dawladood, fududaynta isu socodka, kor-u-qaadidda taageerada Finland ay siiso Soomaaliya, horumarinta ganacsiga iyo dar-dar gelinta mashaariicda dawladda Finland ay ka fuliso Soomaaliya.

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Finland ayaa Ra’iisul wasaare Khayre u sheegay dawladda Finland in ay aqoonsanayso baasaboorka Soomaaliya iyo in si toos ah ay dawladda dhaqaale ugu taageerayso ayna joojinayso dhaqaalihii ay usoo marsiin jirtay hay’adaha kale.

November 20, 2018:  Dowladda Itoobiya ayaa qunsulkeedii kala baxday Somaliland:

Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya ayaa Qunsulkii u joogay Somaliland dib ugu yeertay iyada oo arrintaasi aan ilaa hadda si rasmi ah loo sababeyn.

Bereha Tesfay ayaa shalay diyaarad ku wa rayidka ah shalay ka raacay Magaalada Hargeysa,waxaan uu ku laabtay Magaalada Adis Ababa ee Caasimadda Itoobiya.

Arrintan ayey dad badan u arkeen in ay billow u tahay diblmaasiyad kala noqoshada Itoobiya ee Somaliland.

November 20, 2018:  Maamulka Hirshabelle ayaa xil ka qaadis iyo magacaabis sameeyay

Gudoomiye ku xigeenkii Arrimaha Bulshadda Gobolka Hiiraan Sheekh Cusmaan Xuseen Cali iyo Xoghayihii degmada Beledweyne ayaa xilka laga qaaday kadib war qoraal ah oo ka soo baxay Maxamed Cali Caadle oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ee  maamulka Hirshabeelle.

Waxaa sidoo kale xilalkan uu u magacaabay wasiirka, Cabdi Qaadir Maxamed Arwaax Gudoomiye ku xigeenka arimaha Bulshada ee Gobalka Hiiraan iyo xoghayihii Degmada Beledweyne oo loo magacaabay  Cabdi Risaaq Cali Weerar.

November 20, 2018:   Soomaaliya ayaa  ka qeyb gashay shir muhiim ah oo Turkiga ka furmay:

Waxaa magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga  ka furmay shirka  Bandhiga Shirkadaha Ganacsiga Qalabka Dhismaha  ee Turkiga iyo Carabta oo ay soo qabanqaabisay Jimciyada Isku xirka  Ganaacsatada Turkida iyo Carabta ee loo soo gaabiyo TURAP.

Sidookale waxaa ka soo qeyb galey 200 Shirkado Turki ah, Dhanka Soomaaliyana, waxaa uga  soo qeyb galey  wafdi uu hogaminayo Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta  ee Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya Mudane  Cabdifataax Maxamed Ibraahim Geesey oo ka koobnaa Ganacsato iyo Engineero Soomaaliyeed, Gudoomiya Rugta Ganacsiga ee Tukiga iyo Shirkadaha daneeya Maalgashiga iyo Ganacsato Carbeed.

November 21, 2018:    Golaha Wasiirada maamulka Galmudug ayaa la ansixiyay:

Golaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb ayaa  ansixiyay Gole wasiirro oo uu dhawaan soo magacaabay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

127 Xildhibaan oo ka mid ah Xildhibaannada Galmudug ayaa u codeeyay Xukuumad ka kooban 27 xubnood oo ah Wasiirrada cusub ee uu Madaxweyne Xaaaf  magacaabay dhawaan.

Wasiirradan waxaa golaha horgeeyay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan,waxaana ay heleen codka kalsoonida Baarlamaanka Galmudug.

November 21, 2018:   Madaxweyne Farmaajo ayaa  kulan la qaatay Madaxweynaha Talyaaniga:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ku sugan dalka Talyaaniga gaar ahaan magaalada Caasimada ee Roma ayaa kulan la qaatay madaxweynaha dalkaasi Sergio Mattarella.

Madaxweyne Farmaajo iyo Mattarella ayaa wax ay kawada hadleen sida Soomaaliya iyo Talyaaniga ay u sii adkeysan karaan xeriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeyay.

 

Waxaa sidoo kale madaxdan ay kawada hadashay iskaashi dhaqaale oo dhexmara oo ku aadan danaha labada dal.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku suganaa dalka Talyaaniga waxa uu sidoo kale la kulmay Mr Conte oo ah Ra’isul wasaaraha dalka Talyaaniga.

November 21, 2018:    Ciidamo ka tirsan jabhada ONLF ayaa Jigjiga lagu soo dhaweeyay:

Boqollaal ka tirsan ciidammada jabhadda hubeysan ee ONLF ayaa maanta gaaray magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Labo diyaaradood oo sidday ciidammadan oo ka soo kicitimay dalka Eritrea ayaa gaaray Jigjiga, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen dadweyne, mas`uuliyiin iyo xubno jabhadda ka tirsan oo ku sugnaa Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Ibraahim Maxamed Beddel oo ah madaxa ciidammada ONLF ee cutubka maanta gaaray Jigjiga ayaa sheegay in mas’uuliyiinta ururka ee ku sugan dalka Eritrea ay dabayaaqada bishan gaari doonaan Jigjiga sii loo ambaqaado dhaqan gelinta heshiiskii dhexmaray iyaga iyo dowladda Itoobiya.

November 21, 2018:  Dib u dhac Markale ku yimid doorashadda Koofur Galbeed Soomaaliya :

Guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa markale ku dhawaaqay in dib u dhac uu ku yimid doorashadda Madaxtinimadda maamulka Koonfur Galbeed oo lagu waday in ay dhacdo 28-da Bishaan.

Kulan Maanta ka dhacay Magalada Baydhabo ayay  Guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ay ku shaaciyeen Jadwal kale oo ka duwan midkii ay soo saareen Maalin ka hor.

Guddiga ayaa Iclaamiyay in  5 Bisha December la  qorsheeyay inay dhacdo doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

November 22, 2018:  Imtixaan aqoon guud ah ayaa laga qaaday saraakiisha ciidamada xoogga dalka:

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta qaar kamid ah Saraakiisha Ciidanka Asluubta ka qaaday Imtixaan aqoon guud ah, kaasi oo lagu hubinayo aqoonta Saraakiisha, si loo kala saaro.

Qeybta koowaad ee Imtixaanka ayaa maanta waxaa u fariistay Xidigle ilaa iyo Dhamme, waxaana lagu kala qabtay Taliska guud ee Ciidanka Asluubta iyo xabsiga dhexe ee Xamar.

Guddiga loo xilsaaray in ay diyaariyaan Imtixaanka ayaa kor joogto ka ahaa goobaha uu Imtixaanku ka socday.

November 22, 2018:   Wasiirka Boostada ayaa soo dhoweeyay Qaraarkii Ururka ITU ee Soomaaliya

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa soo dhoweeyay go’aanka Midowga Isgaarsiinta Caalamiga (ITU) uu ku ansixiyay laba qaraar oo mid ka mid ah uu gaar u yahay Soomaaliya.

Qaraarka 1aad oo tirsigiisu yahay 34 waa mid guud ahaan oo lagu taageerayo dalalka u baahan inay dib u dhisaan isgaarsiintooda, wuxuuna farayaa madaxda ITU iyo dalalka xubnaha ka ah in ay taageeraan dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.

Sidoo kale wuxuu Goluhu ansixiyay qaraar u gaar ah Soomaaliya oo tirsigiisu yahay 160, kaasi oo ujeeddadiisu tahay in Soomaaliya taageero gaar ah laga siiyo sidii ay dib ugu dhisi lahayd, una casriyeyn lahayd, kaabayaasha isgaarsiinta.

 

Share197Tweet123Send
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

January 10, 2020

Xukuumadda Tehran oo cod dheer ku sheegtay in uusan gantaal soo ridin diyaaraddii Ukraine

January 10, 2020

Tobanka Dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida Sanadkan 2019

August 5, 2019

0

U.S. Senate grills President Trump’s pick for Somalia envoy over his past performance

0

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay jabhado hubeyneyso

0
Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo qorsheysan ku khaarijiyay xubno katirsanaa Al shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo qorsheysan ku khaarijiyay xubno katirsanaa Al shabaab

January 26, 2021
Maamulka Gobalka Banaadir oo qorsheynaya inuu la wareego xarumaha caafimaad ee ku yaala Muqdisho

Maamulka Gobalka Banaadir oo qorsheynaya inuu la wareego xarumaha caafimaad ee ku yaala Muqdisho

January 26, 2021
Christiano Ronaldo oo diiday heshiis ku kacaya 6 Milyan oo Doller oo Sacuudiga u soo bandhigay

Christiano Ronaldo oo diiday heshiis ku kacaya 6 Milyan oo Doller oo Sacuudiga u soo bandhigay

January 26, 2021
Bandhiga

Copyright © Bandhiga

Navigate Site

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Radio
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • Caafimaadka
  • English

Copyright © Bandhiga

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In