Madxaweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa Qasriga Madaxtooyada Puntland ee waqooyiga Magaalada Gaalkacayo kulan ammaanka gobolka lagaga hadlay kula qaatay guddiga amniga ee gobolka Mudug.
Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdulqaadir Xuseen Nuur Dirir ayaa ka warbixiyay kulankani oo ay ka qayb-galeen qaarkamid ah xubno isugu jira labada gole ee maamulka Puntland.
“Waxaa Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni uu shir la qaatay madaxda gobolka Mudug saraakiisha iyo maamulkaba waxaa looga wadahadlay sidii looga wada-shaqayn lahaa amniga guud ee gobolka, si wanaagsanna looga shaqayn lahaa xasiloonida iyo horumarka, kulankuna waxaa uu ku soo dhammaaday Guul” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Cabdulqaadir Dirir.
Waxaa kaloo uu sheegay guddoomiyaha in madaxweynaha uu guddiga kula dardaarmay dardargelinta howlaha amniga iyo nabadgalyada gobolka Mudug.
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ka dhabaynaya balanqaadkii dowladda ee ahaa in ahmiyadda koowaad, labaad iyo sadexaadba lasiiyo arrimaha Amniga dalka ayaa inta uu ku sugan yahay gobolka Mudug, gaar ahaan Gaalkacayo waxa uu kulamo noocanoo kale ah la qaadandoona qaybaha kale ee bulshada.
Safarkani oo madaxweynaha Puntland uu shalay kaga soo ambabaxay magaalada Garoowe ayaa waxaa uu soo maray degmooyin iyo degaanno dhowr ah oo ka kala tirsan gobollada Nugaal iyo Mudug iyadoo markii uu safarka soo dhammaado lagu wado in madaxtooyada ay ka warbixiso ujeedka socdaalka iyo natiijada kulamada ka soo baxa.
Bandhiga Media
Muqdisho, Soomaaliya