• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Wednesday, January 20, 2021
  • Login
LISTEN
Bandhiga
LISTEN
  • Bogga Hore
  • Radio
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Caafimaadka
  • Ciyaaraha
  • English
Bandhiga
No Result
View All Result
Home Ganacsiga

Qatar Airways Oo Duulimaad Ka Billaabaysa Muqdisho

July 1, 2019
in Ganacsiga
0
494
SHARES
1.4k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Shirkadda diyaaradaha ee ee dalka Qatar, Qatar Airways ayaa maanta lagu wadaa inay duulimaadkeedii u horreeyey ku timaado caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Diyaarad nooceedu yahay Airbus A320 -232 ayaa lagu wadaa inay duulimaadka billoowdo, taas oo ku soo horreyn doonta dalka Jabuuti ka hor galinka dambana soo caga-dhiganaysa garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho, halkaa oo la filayo munaasabad daah-furka duulimaadyada Qatar Airways in lagu qabto.

Billowga duulimaadkeeda cusub ee Soomaaliya ayaa loo arka mid horumarinaya duulimaadyada caalamiga ah ee yimaada caasimadda Muqdisho oo horey ay duulimaadyo uga sameyn jireen diyaarada Turkish Airlines, Ethiopian Airlines iyo Kenya Airways.

Shirkaddani Qatar Airways ayaa duulimaadyo ku kala bixisa 87 dal oo caalamka ah, waxaana shirkaddu shantii sanno ee u dambeysay ay noqonaysay midda koowaad ama labaad ee ugu horreysa shirkadaha duulimaadyada caalamka oo dhan, waxaana ay ka mid tahay shirkadaha ugu weyn caalamka ee duulimaadyada.

Arrinta kale ee muhiimka ah in la xuso ayaa ah in loolanka shirkadahan caalamiga ah uu fursad u noqonayo bulshada Soomaaliyeed ee waqooyiga Ameerika iyo Yurub ku nool, kuwaas oo dhaqaalo badan ku imaan jirey dalka, kuna dhib qabay safarada ay ku imaanayaan gudaha dalka,balse wixii hadda ka dambeeya waxay heli doonaan duulimaadyo joogto ah.

Arrinta dhaqaalaha dalka ayaysidoo kale saameyn wanaagsan ku yeelan kartaa sida ay sheegayaan dadka dhaqaalaha barta qaar.

 

Bandhiga Media

Muqdisho, Soomaaliya

Share198Tweet124Send
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

January 10, 2020

Xukuumadda Tehran oo cod dheer ku sheegtay in uusan gantaal soo ridin diyaaraddii Ukraine

January 10, 2020

Tobanka Dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida Sanadkan 2019

August 5, 2019

0

U.S. Senate grills President Trump’s pick for Somalia envoy over his past performance

0

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay jabhado hubeyneyso

0
Ciidamada dowladda oo howlgallo qorsheysan kula wareegay deegaano ay heysteen AL SHABAAB

Ciidamada dowladda oo howlgallo qorsheysan kula wareegay deegaano ay heysteen Al Shabaab

January 20, 2021
Beesha Caalamka oo sheegtay iney ka shaqeyneyso isu soo dhawaanshaha saamileyda siyaasadda Soomaaliya

C6+ oo sheegtay iney ka shaqeyneyso isu soo dhawaanshaha saamileyda siyaasadda Soomaaliya

January 20, 2021
Faah-faahino ka soo baxaya askar iyo saraakiil qarax lagula eegtay deegaanka Tixsiile

Faah-faahino ka soo baxaya askar iyo saraakiil qarax lagula eegtay deegaanka Tixsiile

January 17, 2021
Bandhiga

Copyright © Bandhiga

Navigate Site

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Radio
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • Caafimaadka
  • English

Copyright © Bandhiga

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In