• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Monday, January 25, 2021
  • Login
LISTEN
Bandhiga
LISTEN
  • Bogga Hore
  • Radio
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Caafimaadka
  • Ciyaaraha
  • English
Bandhiga
No Result
View All Result
Home Maxkamadda ICJ oo war ka soo saartay kiiska Badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya

Maxkamadda ICJ oo war ka soo saartay kiiska Badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya

September 11, 2019
in Maxkamadda ICJ oo war ka soo saartay kiiska Badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya
0
494
SHARES
1.4k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ayaa waxaa ay soo saartay war cusub oo la xiriira habka dhegeysiga kiiska Badda ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya oo dib loo dhigay dhageysigeeda horaantii bishan.

Maxkamadda waxyaabaha ka cusub waxaa ka mid ah in dhamaan dadkii isu diiwaangeliyay ka qeybgalka kiiska dhegeysigiisa la faray in ay dib isu diiwaangeliyaan waliba dhinaca Internetka xoogga saaraan.

Maxkamadda waxaa ay sheegtay in Diblomaasiyiinta,Warbaahinta iyo ka qeybgalayasha kale ee isdiiwaangeliyo loo fiirinayo sida ay u kala horreeyeen sidaasna loogu adeegayo oo aysan jirin diiwaangelin horudhac ah ama boos ceshi.

Waxaa kale oo ay maxkamadda sheegtay in dhamaan dadka daneynaya ka qeybgalka dhegeysiga kiiska ay heystaan ilaa 24ka Bisha October wixii ka dambeeyanaya aan codsigooda la tix gelin doonin.

Maxkamadda waxaa ay dhegeysiga billaabi doontaa Maalinta 1aad oo ah Isniin ah 4ta November waxaana maalintaas iska leh Soomaaliya oo hadli doonta 10:00AM ilaa 1:00PM iyo 3:00PM ilaa 4:30PM Galabnimo.

Sidoo kale Kenya ayaa hadli doonta maalinta  Arbacada ,waxaana ay Kenya hadli doontaa 10:00AM ilaa 1:00PM iyo 3:00PM ilaa 4:30PM Galabnimo.

Maalinta 2aad ee Soomaali ahna maalinta 3aad ee dhegeysiga ayaa ku beegan Khamiis 7da Bisha November, waxaana uu dhegeysiga Soomaaliya soconayaa 3:00PM ilaa 4:00PM galabnimo.

Maalinta 2aad ee Kenya ahna maalinta ugu dambeysa dhegeysiga kiiska ee 4aad waa Jimco 8dda November waxaana ay Kenya hadleysaa 3:00PM ilaa 4:00PM galabnimo.

Dhegeysiga Kiiskan oo lagu waday in uu billowdo sagaalkii bishan ayaa dib loo dhigay kaddib markii saddexdii Bishan Kenya dalbatay in muddo 12 bilood ah dib loogu dhigo si ay u qaadato Qareenno cusub, hayeeshee ICJ ayaa muddada dib u dhigidda ku soo koobtay laba bilood markii ay Soomaaliya diidday codsiga Kenya.

@Bandhiga Media

Muqdisho-Somalia

 

Share198Tweet124Send
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

January 10, 2020

Xukuumadda Tehran oo cod dheer ku sheegtay in uusan gantaal soo ridin diyaaraddii Ukraine

January 10, 2020

Tobanka Dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida Sanadkan 2019

August 5, 2019

0

U.S. Senate grills President Trump’s pick for Somalia envoy over his past performance

0

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay jabhado hubeyneyso

0
Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya oo digniin adag ka soo saaray doorashooyinka Soomaaliya

Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya oo digniin adag ka soo saaray doorashooyinka Soomaaliya

January 24, 2021
Maxaa ku soo kordhay doorashada Soomaaliya? midowga musharaxiinta oo dalka ka maqan iyo wararkii ugu dambeeyy

Maxaa ku soo kordhay doorashada Soomaaliya? midowga musharaxiinta oo dalka ka maqan iyo wararkii ugu dambeeyy

January 24, 2021
Maxey kawada hadleen Qoor Qoor iyo James Swan oo ku saabsan doorashada?

Maxey kawada hadleen Qoor Qoor iyo James Swan oo ku saabsan doorashada?

January 24, 2021
Bandhiga

Copyright © Bandhiga

Navigate Site

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Radio
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • Caafimaadka
  • English

Copyright © Bandhiga

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In