Waxaa si rasmi magaalada Muqdisho uga furmay shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya oo markii ugu horreysay lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo uu daahfuray Ra’iisulwasaare ku-xigeenka dowladda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.
Muddo laba cisho ah ayuu socon doonaa shirkan waxaa looga hadlayaa arimo ay ka mid yihiin Siyaasadda,Dhaqaalaha iyo arimaha Bulshada,iyadoo ay ka qeybgalayaan wakiillo ka kala socda in ka badan 50 dal,Safiirro iyo shirkado ganacsi oo caalami ah.
Shirkan waxaa khudbado ka jeediyay madax sare, safiirro iyo wakiillada qaar ka mid dalalka ka qeyb galaya, waxa ayna isla qireen in Soomaaliya sameysay horumar dhinacyo badan sanadihii u dambeeyay.
Shirka Madasha Iskaashiga,waa markii ugu horeysay ee lagu qabto magaalada Muqdisho,ka dib markii dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ku guuleysatay dhameystirka adeegyada lagama maarmaanka u ah qabsomidda shirkaasi.
@Bandhiga Media
Mogadishu-Somalia