Madaxweynaha dalka Turkiga Raja Dayib Erdogan ayaa wacad ku maray in dagaalyahada Daacish ee Waqooyiga Suuriya inuusan u golaan doonin in xabsiga ay kabaxsadaan,kadib markii warbaahinta reer Galbeedka ay faafisay warar la xiriira in dagaalhano kabaxsadeen xabsiyada.
“ Waxaan xaqiijin doonaa in dagaalyahada Daacish aysan ka baxsan doonaa Waqooyiga Suuriya” Erdogan ayaa sidan ku qoray wargeyska Wall Street Journal.
Erdogan ayaa intaa ku daray in wadamada Reer Galbeedka ay wajiilinimo kula dhaqmayaan dalka Turkiga iyagoo howlgalka ka dhanka ah Kurdiyiinta ay sheegeen in maxaabiis Daacish ah ku baxsadeen.
Mareykanka ayaa maanta cunaqabateeyay qaar kamid ah saraakiisha sar sare ee Turkiga waxaana uu ugu baaqay Erdogan inuu si deg deg ah ku joojiyo duulaanka ,Trump ayaa sidoo kale sheegay in NATO aysan ogoleen qatar gelinta nolosha shacabka.
@Bandhiga Media
Mogadishu-Somalia