Xildhibaannada Baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland, ayaa maanta oo khamiis ah afhayeen cusub u doortay Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, kaddib markii ay todobaadkii hore xilkii cod gacan taag ah kaga qaadeen guddoomiyihii hore, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo).
Doorashadani waxaa ku tartamay seddex musharrax oo kala ah:
- Xildhibaan Abwaan xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jabriil
- Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan
- Xildhibaan Cali Dhahar
Wareeggii koowaad ayay codadka waxay u kala heleen sidatan:
Xildhibaan Abwaan Cabdirashiid 34 cod
Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan 17 cod
Xildhibaan Cali Dhahar 12 cod
Wareeggii labaad oo ay u soo gudbeen labada musharrax ee ugu cod badnaa wareeggii hore ayaa codadka u kala helay:
Xildhibaam Abwaan Cabdirashiid Yuusuf 46 halka
Xildhibaam Cabdi Jamaal Cismaan uu helay 17 cod
Waxaana Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Ku Guulaystay Xildhibaan Abwaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil.
Guddiga doorashada ayaa sidaas shaacisay doorashada kaddib, waxaana ay tani ku soo aadeysaa iyadoo guddoomiyihii gollahani Cabdixakiin Maxamed Axmed(Dhoobo) uu diidan yahay xil ka qaadistii baarlamaanku ku sameeyay.
Bandhiga Media
Muqdisho, Soomaaliya