• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Saturday, February 27, 2021
  • Login
LISTEN
Bandhiga
LISTEN
  • Bogga Hore
  • Radio
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Caafimaadka
  • Ciyaaraha
  • English
Bandhiga
No Result
View All Result
Home Wararka

Wasaaradda beeraha XFS oo qorsheyneysa

November 23, 2019
in Wararka
0
493
SHARES
1.4k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Wasiirka Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay dib u dayactir ku sameynayso Wasaaradda 10 kanaal oo ku yaala gobolada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelah Dhexe, si loo yareeyo fatahaadda ka dhasha Webiga Shabeelle.

Mudane Saciid Xuseen Ciid Wasiirka Beeraha Soomaaliya ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in dayactirka kanaaladaan looga gol leeyahay yareynta fatahaadda,.

“Waxaan dhameystirnay kanaalka weyn Birimo sugundaariyo ee ku yaala Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana hadda qorsheyneynaa in Wasaaraddu ay dib u dayactir ku sameyso shan kanaal oo gobolka Shabeelaha Dhexe ah iyo shan Shabeelada Hoose in la dayactiro, waana tobanka kanaal ee ugu waa weyn” ayuu yiri Wasiirka Beeraha.

Wasiirka Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xusay in sababta ugu weyn ee uu fatahaadda ku sameyo Webiga Shabeelle ay tahay in webiga uu aasmay oo carro ay ka buuxsantahay.

“Dhowr siyaabood ayuu Webiga Shabeelle fatahaad ku sameeyaa, tan koowaad waa webiga oo aasmay, isla markaana aan muddo helin wax dayactir ah, tan labaad oo ah in biyaha webiga meelo qaldan laga furo oo ay sameeyaan biyo baxo, taasi oo ay inta badan adeegsadaan argagixisada Al-Shabaab oo difaac ka dhiganeysa” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka.

Mudane Saciid Xuseen Ciid Wasiirka Beeraha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdu ay waddo qorshe mideysan oo arrinta biyaha la xiriirta haddii ay tahay tan webiga iyo kuwa kale ee caadiga ah.

Bandhiga Media

Muqdisho, Soomaaliya

Share197Tweet123Send
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

January 10, 2020

Xukuumadda Tehran oo cod dheer ku sheegtay in uusan gantaal soo ridin diyaaraddii Ukraine

January 10, 2020

Tobanka Dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida Sanadkan 2019

August 5, 2019

0

U.S. Senate grills President Trump’s pick for Somalia envoy over his past performance

0

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay jabhado hubeyneyso

0
Daljirka Dahsoon

Wararkii ugu danbeeyey Magaalada Muqdisho

February 25, 2021
Xasan Cali Kheyre: isku day dil ayaan ka badbaadnay

Xasan Cali Kheyre: isku day dil ayaan ka badbaadnay

February 19, 2021
Dibadbaxyo ay hogaaminayeen qaar kamid ah midowga musharaxiinta oo rasaas nool nool lagu kala eryay

Dibadbaxyo ay hogaaminayeen qaar kamid ah midowga musharaxiinta oo rasaas nool nool lagu kala eryay

February 19, 2021
Bandhiga

Copyright © Bandhiga

Navigate Site

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Radio
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • Caafimaadka
  • English

Copyright © Bandhiga

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In