Hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jong-un ayaa u qabtay kulan saraakiisha sarsare ee militariga, si ay uga wada hadlaan xoojinta awooda militari ee wadanka, wakaalada wararka ee dowlada ayaa maanta oo axad ah sheegtay in walaaca sii kordhaya ee laga yaabo in waqooyiga ay ku soo laabtaan si ay ula dagaallamaan Washington.
wakaaladda wararka ee KCNA, ayaa ku warameysa in Kim uu gudoomiyay kulan ballaaran oo ay yeesheen Gudiga Militariga, waxaa sidoo kale la sheegay in ay uga ka wada hadleen talaabooyin lagu xoojinayo guud ahaan ciidamada qalabka sida ee dalka, si militari iyo siyaasad ahaanba.
“Waxaa sidoo kale laga wada hadlay arrimo dhowr ah, oo muhiim u ah hagaajinta guud ee difaaca qaranka iyo arrimaha asaasiga u ah joogtaynta iyo dardargelinta kobcinta awoodda milatari ee ku saleysan is-difaaca,” ayaa lagu yidhi, war qoraal ah oo lagu daabacay wakaaladda wararka ee u faafisa kuuriyada waqooyi ee KCNA.
Wakaaladu, faahfaahin kama bixin goorta kulanka la qabtay iyo waxa la go’aamiyey.
“Guddigu waa hay’adda ugu sareysa go’aanka milatariga Kuuriyada Waqooyi” ayuu yidhi Kim, waxa uu isaga u xukumaa dalka, inuu yahay taliyaha ugu sareeya milatariga waana gudoomiyaha guddiga.
Kuuriyada Woqooyi waxa ay dejisay qorsho kama-dambays ah, oo lagu wado in lagu badalo siyaasadaha Maraykanka, ee cadaawada ku saleysan tahay, oo ayna carqalad ku tahay dadaallada lagu horumarinayo ballan-qaadkoodii ahaa in la joojiyo barnaamijka nukliyeerka ee kuuriya Waqooyiga iyo waliba in la dhiso nabad waarta.
Kim iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa waxa ay kulmeen seddex jeer tan iyo Juun 2018, laakiin ma jirin horumar la taaban karo oo laga gaadhay wadahadalka halka Kuuriyadda Woqooyiga ay codsatay in marka hore laga qaado cunaqabateynta caalamiga ah.
Sabtidii, warbaahinta dawladdu waxay sheegeen in Mareykanku uu “bixin doono lacag aad u badan” oo ah inuu wax ka qabto diiwaangelinta xuquuqda aadanaha ee Waqooyiga kuuriya, wuxuuna yiri “ereyada xunxun ee Washington waxa kaliya sii xumayn kartaa xiisada Jasiiradda labada Kuuriya.”
Kuuriyada Woqooyi waxay sidoo kale dhowr jeer ku celcelisay, in Mareykanka aanay tuurayn siyaasadeeda cadaawada leh, waxa ayna sidoo kale uga digtay Washington, maaddaama la joogo dhamaadka sanadka 2019, inay bedesho mowqifkeeda.
Khubarada qaar ayaa sheegaya in gobolka loo dhan yahay, lagana yaabo in uu u diyaar garoobo tijaabada gantaal caalami ah, kaas oo dib ugu celin kara dariiqa dagaal ee Mareykanka.
Ergayga Mareykanka ee Kuuriyada Waqooyi, Stephen Biegun, ayaa booqday Kuuriyada Woqooyi iyo Shiinaha usbuucii la soo dhaafay, isagoo soo saaray shacbiyad iyo wicitaan toos ah oo ku aaddan Kuuriyada Waqooyi, inay ku soo laabtaan miiska wadahadalka, laakiin wax jawaab ah lagama helin.