Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa Magaalada Baledweyne kula kulmay Saraakiisha Ciidamada Jabuuti, ee qaybta ka ah Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.
Madaxweynaha ayaa Saraakiisha Ciidamada Jabuuti kala hadlay arrimaha ammaanka, dardar-gelinta hawlgalada iyo sidii la isugu furi lahaa deegaanada go’doonsan.
Madaxweynaha Hirshabelle ayaa Saraakiisha Jabuuti u sheegay baahida loo qabo, sidii la isugu furi lahaa deegaanada go’doosan iyo wadooyinka intabadan xiran.
War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Hirshabelle ayaa waxaa lagu sheegay in kulankaasi uu ku soo dhammaaday guul iyo is faham.
Madaxweyne Waare ayaa kulankan oo ka dhacay Xarunta Gobolka Hiiraan ee Magaalada Baledweyne waxaa ku wehlinayay Wasiir Kuxigeenka Amniga Hirshabelle iyo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan.
BANDHIGA MEDIA
MOGADISHU – SOMALIA