• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Thursday, January 21, 2021
  • Login
LISTEN
Bandhiga
LISTEN
  • Bogga Hore
  • Radio
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Caafimaadka
  • Ciyaaraha
  • English
Bandhiga
No Result
View All Result
Home Wararka

Aqalka Wakiilada oo joojiyay awoodaha Militari ee madaxweyne Trump

January 10, 2020
in Wararka
0
590
SHARES
1.7k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa Khamiistii u codeeyey inay ka joojiyaan madaxweyne Trump inuu qaado talalabo militari oo kale oo ka dhan ah Iran, ayada oo Bariga Dhexe ay ka taagan tahay xiisaddii ka dhalatay dilkii Mareykanka ee Jeneral Qasem Soleimani.

Qaraarkan ayaa ku meel-maray ayada oo ay taageereen 224 mudane, halka 194 oo badankood ah Jamhuuri ay kasoo hrojeesteen.

Tallaabadan ayaa madaxweyne Trump ka xayuubineysa awoodihiisa dagaal ee ah inuu ciidamada Mareykanka u isticmaalo Iran, isaga oo aan ogolaansho ka haysan Congress-ka.

Sharcigan ayaa hadda u gudbaya Aqalka Senate-ka, oo ay maamulaan Jamhuuriga, wuxuuna wajahayaa dagaal adag, si loo ansixiyo.

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa tallaabada Aqalka Wakiilada ku qeexay “nacasnimo” iyo mid siyaasad ay dhiiri-gelisay.

Tallaabadan ayaa “arbushi karta awoodda dowladda Mareykanka ay uleedahay inay ilaaliso muwaadiniinteeda, kuwaas oo Iran weli ay isku dayeyso inay waxyeeleyso.” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Aqalka Cad.

Codka Aqalka Wakiilada ayaa yimid saacado kadib markii madaxweyne Trump uu sheegay in sababta loo dilay Qasem Soleimani ay ahayd inuu isku dayayey inuu qarxiyo safaaradda Mareykanka.​

Share236Tweet148Send
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

January 10, 2020

Xukuumadda Tehran oo cod dheer ku sheegtay in uusan gantaal soo ridin diyaaraddii Ukraine

January 10, 2020

Tobanka Dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida Sanadkan 2019

August 5, 2019

0

U.S. Senate grills President Trump’s pick for Somalia envoy over his past performance

0

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay jabhado hubeyneyso

0
Dowladda Federalka iyo hogaamiyeyasha mucaaradka oo loo diray codsi ku aadan 2021

Dowladda Federalka iyo hogaamiyeyasha mucaaradka oo loo diray codsi ku aadan 2021

January 21, 2021
Maxey kawada hadleen Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Cali Guudlaawe?

Maxey kawada hadleen Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Cali Guudlaawe?

January 21, 2021
Gudoomiyihii degmada Hodon oo lagu dilay Muqdisho

Gudoomiyihii degmada Hodon oo lagu dilay Muqdisho

January 21, 2021
Bandhiga

Copyright © Bandhiga

Navigate Site

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Radio
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • Caafimaadka
  • English

Copyright © Bandhiga

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In